Adduun Hawl Lagama Waayo

Filed under: Wararka |

Maxamed Yuusuf Cabdi

Adduun Hawl Lagama Waayo

Adduun hawl lagama waayiyo
Huq iyo wax naftaada hooyoo,
Habeen daran iyo mid roon baa
Intaa is-hareer ordaayee.

Markaan isku kaa halleeyey,
Miyaad dhibta ii horseeddey?
Heddeyda inaad jartaana,
Miyey kula hawl yaraatay?

Adduun hammi lagama waayiyo
Wax kuu hor leh hibashadoodoo,
Hawiyo ruuxay heshaa baa
Intaa ifka ku hirdamaayee.

Markaan isku kaa halleeyey,
Miyaad dhibta ii horseeddey?
Heddeyda inaad jartaana,
Miyey kula hawl yaraatay?

Adduun hiif lagama waayiyo
Hoobiyo talo maalin hoostoo
Hir doogliyo halas abaar ah
Heshiinne is haybinaayee.

Markaan isku kaa halleeyey,
Miyaad dhibta ii horseeddey?
Heddeyda inaad jartaana,
Miyey kula hawl yaraatay?

Maxamed Yuusuf Cabdi