Maxaa ka jira: Madaxa BOQORTOOYADA Puntland ee la isku haysto oo loo diidey ‘DAL-KU-GALKA Maraykanka’?

Filed under: Wararka |

Maxaa ka jira: Madaxa BOQORTOOYADA Puntland ee la isku haysto oo loo diidey ‘DAL-KU-GALKA Maraykanka’?

Ilo ku dhow dadka sida wayn, ugu dhuun daloola BOQORTOOYADA BARI ee la isku haysto, ayaa waxay sheegeen in la baajiyey xafladii loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo madaxa maamulka BOQORTOOYADA, astaanta u noqday xukuumada Dr. Gaas.

Sida ogaysiis gaaban ee la iigu soo direy shabakada dadwaynaha u faran ee loo yaqaan FACEBOOK-ga ku cad, waxaa la baajiyey xafladii soo dhawaynta, ee dadwaynaha lagu wargeliyey in ay dhici lahayd Sabtigii la soo dhaafey, oo ay bisha Marso 21, 2015, wax sabab u ahna lama soo raacim waxa xaflada loo baajiyey.

Si kastaba ha ahaatee, sida ilaha u dhuundaloola guud ahaan, arimaha siyaasada Soomaaliya, gaar ahaana arimaha siyaasadeed ee Puntland, ay ii cadeeyeen in madaxa BOQORTOOYADA la isku haysto, loo diidey rusqada DAL-KU-GALKII –  afka IGRIISKANA loo yaqaan ‘VISA’ ee uu wadanka Maraykanka ku soo geli lahaa.

Waxaase is waydiin mudan, maxay tahay sababta wadanka Maraykanka uu u diidey in uu siiyo rusqada DAL-KU-GALKA madaxa BOQORTOOYADA la isku haysto madaama uu soo maray wadamo badan oo ku yaal YURUB ‘Europe’, sida la sheegayna, uu haatan ku sugan yahay, wadanka CANADA?

Waa arin is weydiin mudan, aana ka codsanayo aqristayaasha in ay ila socodsiiyaan hadii ay jiraan cid hor istaagtey imaanshahiisa, madaama ay BOQORTOOYADU tahay mid taariikh-ahaan la isku haysto, murana ka taagan yahay cida masuulka ka ah fulinteeda.

Mida kale, dad badan ayaa ka soo horjeeda in Dr, Gaas iyo xukuumadiisa ay siyaasadeeyaan arimaha BOQORTOOYADA madaama ay tahay mid TAARIIKHIYAN muran ka taagan yahay cida leh, welina aan laga wada hadlin sidii loogu celin lahaa dadkii xaqa BOQORTOOYADA u lahaa.

BOQORTOOYADA oo dadkii lahaa looga qaadey waxa loogu yeero: ‘KHAYAANO-WALAAL’. Dhacdadaan oo loo adeegsaday ninkii dhaxalka u lahaa, dad walaalo ah, si loo dhaco. Markii dhacii uu taaba galayna, dadkii si aysan marna u sheegan BOQROTOOYADII, ayaa loo adeegsaday CARABTII ka gancasan jirtey xeebaha Soomaaliya, lahaana BOQORTOOYOOYIN xoog leh, rabayna dhaqaalaha Soomaaliya.

Ka dibna, si dadkii lahaa BOQORTOOYADA aysana mar danbe hadalhaynteeda aan looga maqlin, ayaa waxaa loo adeegsadey GUMAYSTAHII. Waxaase BOQORTOOYO ku sheegta maanta adeegsadsa madaxda DOWLAD goboleedka PUNTLAND. Taariikha ahaana, waa mid ay madaxdii DALKA iyo madaxdii soo martey Dowlad goboleedka PUNTLAND ay ka xishoon jireen in ay BOQORTOOYADA ay siyaasad geliyaan.

Waxaa soo aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay ‘BULUF’, qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana Magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com