400 Tahriibayaal ah oo ay oon kula dagtay Badda Mediterranean

Filed under: Wararka |

Hey’adda Bad baadada Caruurta ee Save The Children ayaa sheegtay in dhamaan dadka dhintay ay caruur u badnaayeen, waxaana socda baadigoob xoogan.

Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in ilaa 144 qof la bad baadiiyay, waxaana ay sheegeen inay rajo ka qabaan inay bad baadiyaan hadii ay jiraan dad kale oo nool.

Dadka la soo bad baadiyay ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen ilaa 550 qof, isla markaana ay si lama filaan ah ay u quustay markii ay badda gudaheeda ku jirtay

Midowga Yurub ayaa sheegat in ilaa jimcihii ciidamada xeebaha Talyaaniga ay bad baadiyeen ilaa 7000 oo ruux.

Tahriibayaasha ayaa u badan Carab iyo Afrikaan, waxaana dadkan u soo safraya Talyaaniga ay doonayaan inay kaga gudbaan Yurub inteeda kale, si ay nolol ka wanaagsan tii ay ku jireen ugu noolaadaan.