41 Xildhibaan oo Ka Mid Noqday Golaha Wasiirada Xukuumadda Khayre ee 68-da Ka Kooban (Fallanqayn in dadkii aqoonta lahaa wasaaradaha Loo doortay )

Filed under: Wararka |

Arrinka ugu muhiimsan ee madaxwayne iyo hogaan lagu qaymeeyo waa sida uu ugu xusho xilalka uu magacaabayo dadka ugu habboon, waana halka ay hogaamiyaha guushiisu ku xirantahay, hase yeeshee haddii 67-dii xil wasiir laga soo xulay 41 xildhibaanada waxaa cad in aan dadkii aqoonta lahaa marna la raadin ee ay sheekadu arrimo siyaasadeed iyo danaysi ku meerantahay

 

Hoos ka eeg tirada xildhbaanada ee Golaha wasiirada ka mid noqotay

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada, Waxaana Xukuumada cusub uu ku dhawaqaay ay ka kooban tahay 68- ruux oo isugu jira Wasiiro, Wasiiru-Dowlayaal iyo Wasiiro kuxigeeno.

Xukuumada cusub waxaa inta badan laga soo dhax xulay Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Xildhibaanada kamidka noqday golaha Wasiirada cusub tiradooda ay gaareysaa 41-Xildhibaan.

Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa sidoo kale ku jira Xubno wasiiro horey uga soo noqday Xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray, waxaa sidoo kale Wasiirada ku jira xubno siyaasada ku cusub iyo xubno Safiiro ahaa.

Halkan ka Akhriso Magacyada Xildhibaanada kamid noqday Xukuumada cusub

Xildhibaanada Wasiirada Noqday

1- Xildhibaan Dr Iimaan Cabdulaahi Cali
2-Xildhibaan Dr Cabdirxamaan Ducaale Bayle
3-Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac
4-Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan
5-Xildhibaan Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji
6-Xildhibaan Eng, C/Rashiid Maxamed Axmed
7-Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow
8-Xildhibaan Siciid Xuseen Ciid
9- Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye
10-Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac
11-Xildhibaan Prof Saalim Caliyoow Ibrow

Xildhibaanada noqday Wasiiru-Dowlayaal

1-Xildhibaan Cabdicasii Xasan Laftagareen
2-Xildhibaan C/Qaadir Cali Bagdaadi
3-Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa
4-Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim
5-Xildhibaan Xasan Macalin Xuseen
6-Xildhibaan C/Raxmaan Kulmiye Xirsi
7-Xildhibaan C/Raxmaan Maxamuud Jaabiri
8-Xildhibaan C/Laahi Bille Nuur

Xildhibaanada noqday Wasiir kuxigeeno

1- Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow
2-Xildhibaan Xaaji Cali Sheekh Maxamed
3-Xildhibaan Cabdulaahi Colaad Rooble
4-Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed
5-Xildhibaan Dr Xuseen Cabdi Cilmi
6-Xildhibaan Fahmo Axmed Nuur
7-Xildhibaan Cismaan Maxamed Daallo
8-Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble
9-Xildhibaan Ibrahim Isaaq Yarow
10-Xildhibaan Xaamud Cali Xasan
11-Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye
12-Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil
13-Xildhibaan Samra Ibraahim Cumar
14-Xildhibaan C/Naasir Siciid Muuse
15-Xildhibaan C/Kariin Khaliif Dhalac
16-Xuseen Cismaan Xuseen
17-Xildhibaan Cabdulaahi Cumar Abshiroow
18-Xildhibaan Axmed Cumar Isloow
19-Xildhibaan C/Raxmaan Iidaan Yoonis
20-Xildhibaan Cabdi Casiiz Armaan
21-Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim
22-Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane

One Response to 41 Xildhibaan oo Ka Mid Noqday Golaha Wasiirada Xukuumadda Khayre ee 68-da Ka Kooban (Fallanqayn in dadkii aqoonta lahaa wasaaradaha Loo doortay )