5 Siyaasi oo Sida Cabdisalaan Hereri oo Kale ah Haddii Soomaali Helilahayd Wax Badan Baa Soomaali U qabsoomi lahaa

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

CABDISALAAN HERERI
Wariye Cabdislaan Hereri ayaa kasbaday Soomaalida maadaama uu intii uu joogay idaacadda BBC-da lagu xasuusto dhexdhexaadnimo, hadana intii uu bookhanayay wadamada Soomaalidu ku nooshahay ayuu isku taxalujiyaa inta karaankaankiisa meelaha uu bookhanaya in laga hello qaybaha kala duwan ee Soomaalida, waxaana isa soo taraya amaanta ay Soomaalidu usoo jeedinayaan iyo sida gaarkaa ay uga dareemayaan in ay Soomaalinimo ka buuxdo.

Waxaan illaa hadda la hayn Siyaasi Soomaaliya oo kasbaday dhamaan Soomaalida daraf illaa daraf, oo waxaad mooddaa Siyaasiga Soomaaligaa in uu isagu isku shaabaynayo ama eex iyo qabyaalad ama lacag JACAYL AMA XUKUN BOOB IYO CADAALAD DARRO halkii uu taa badalkeeda isku shaabadayn lahaa maamul wanaag iyo cadaalad .

Haddii la helilahaa 5 Siyaasi oo sida Cabdisalaan Hereri oo kale Gees Min Gees allayle Soomaalidu dareemayso in uu dhex u yahay, waxaa markaas soo dhawaan lahaa rajada in Qarankii Soomaaliyeed dib loosoo cesho.

Waxaa jira siyaasiyiin dhawra oo leh astaamaha Cabdisalaan Hereri, laakiin aad moodid in ay isdhiibayaan oo aynan usoo adkasan karin in ay kusii dhiiradaan hadafkooda siyaasadeed ee ay damacsanyihiin in ay maalin maalmaha ka mida gaaraan oo ka guulaystaan siyaasiyiinta leh dhaqanka dhurwaaga ee ma qancayaasha ah ee hadana maanta ku horgudban umaddii Soomaalida,.
Cabdi Ismaciil samatar
Siyaasi Prof Cabdi Ismaaciil samatar Qormooyinkii aan horey uga daabacnay akhri

Prof Cabdi Ismaaciil samatar

Ayaad mooddaa markii aan qiyaasnay nin shuruudaha badankooda buuxiyay balse Soomaalidii uu ka dhashay baa ah dadka aduuka ugu liita oo ugu hadafka gaaban oo aan maanta diyaar u ahayn in ay mar un qarankoodiii waxkasta oo ay qaadato ay dib ula soo noqdaan.

Haddii Puntland, Soomaaliland, Jubbaland Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay la shaqayn lahaayeen Prof Cabdi ismaaciil Samatar oo u tanaasuli lahaayeen 4ta sano oo soo socota, waxaa soo dhawaan lahaa in Qaran Soomaaliyeed oo mustaqbal fiican leh uu si degdega dib ugu soo noqdo, waxba kama dhinteen in ay bal hal mar wax lagu wada midaysanyahay la isku dayo, waxaanad mooddaa prof ismaaciil nin buuxiyay astaamihii lowgu tanaasuli lahaa

Puntlandobserver Desk

One Response to 5 Siyaasi oo Sida Cabdisalaan Hereri oo Kale ah Haddii Soomaali Helilahayd Wax Badan Baa Soomaali U qabsoomi lahaa

  1. Pingback: 5 Siyaasi oo Sida Cabdisalaan Hereri oo Kale ah Haddii Soomaali Helilahayd Wax Badan Baa Soomaali U qabsoomi lahaa - Daily Somalia Report