500 Neef Ari ah oo ku nafwaayey roobabkii ka da’ay degmada Isku-Shuban

Filed under: Wararka |

Duqa Degmadda Isku-Shuban Cabdirisaaq Muuse Cartan ayaa Saxaafadda u sheegay in roobabkan oo ah kuwa aan kala joogsi laheyn ay saameyn ku yeesheen guud ahaan degaanka, isaga oo sheegay in ku dhawaad 48 saac ay si xoog leh u da’ayeen. Magaaladda Isku-shuban ee Gobolka Karkaar ayaa lasoo sheegay in ku dhawaad 500 ari ku nafwaayeen roobabka ka da’ay degaankaas.

Duqa ayaa sheegay in tuulooyinka ay inta badan xoolaha ku dhammadeen ay ka mid tahay degaanka Dooxadda Dharoor oo halkaas ku rogmadeen dad xoog ah, iyada oo sidoo kalena qabowga sabab in xoolaha ku nafwaayaan.

Mudane. Cartan ayaa sheegay in weli aysan ogaan Karin khasaaraha rasmi ah, balse ay sameynayaan xog raadin ku aadan sida wax u jiraan.

Labadii cishe ee ugu dambeyay waxa roobab xoog leh ay ka da’ayeen degaano badan oo ka tirsan Puntland kuwaas oo dadka degaanka ku nool ku diirsadeen.