Abees iyo Dabaggaalle

Filed under: Important News,Sheekooyinka,Wararka |

abees dabagaale

Abees iyo Dabaggaalle

Waa baa waxaa jiri jirey Abees boqor ahaa, magaciisana la oran jirey Xuseyl. Abeeskaas baa maalin waxaa u soo dacwooday dabaggaalle quulle meel uu ku xabaashay laga xaday. Markuu dacwaddiisii jeedsanayeyna hadalkii labadooda dhex maray waa kan hoos ku qoran:

Dabaggaalle: “Boqor Xuseyl! Quulle baan meel ku xabaashay.”

Abees: “Ragga tacab jeclida waa lagu yiqiin.”

Dabaggaalle: “Nin baa quullihii igala baxay.”

Abees: “Taasi waa damac badnida dadka.”

Dabaggaalle: “Markaas baan ninkii dharbaaxay.”

Abees: “Nin la dhacay siduu yeeli jirey baad yeeshey.”

Dabaggaalle: “Markaas baa ninkii i legdey.”

Abees: “Waa nin laga adagyahay sidii loo geli jirey.”

Dabaggaallihii iyo Abeeskii markay hadalkaas is-dhaafsadeen baa Dabaggaallihii Boqor Xuseyl wuxuu ku yiri: “Nabadeey!” kaddib kolkuu ogaaday inaan dacwaddiisa faa’iido ka soo socon, maxaa yeeley wuxuu arkay sida Abeesku hadalka ula googoosanayo.

Muuse Cumar Islaan

Muqdisho, 1973

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *