Abokar Xaaji Khabiir Lasoo Shaqeeyay Shirkadihii Sahaminta Shidaalka Soomaaliya (Hadaad dhegeysato Waxaad Ogaanaysaa Sababta Soomaaliya Xal Lowgu Waayay)

Filed under: Important News,Wararka |

Kadib markaan dhegeystay waraysigii Abokar xaaji oo sheegay in uu kamid ahaa gudigii xukuumaddii Siyaad barre u qaabilsaa arrimaha iyo xogaha sahaminta shidaalka Soomaaliya.

Obokar ayaa sheegay in uu xiisaynayay in uu ogaado jiritaanka shidaalka Soomaaliya.

Waxaan ku xaqiiqsaday in hadalka Abokar uu dhab yahay, shirkad kuwa shidaalka ah oo ka hawlgasha dalalka Yurub ayaa 1993 ninkii Shirkadda maamulaha ka ahaa uu noo sheegay in ay shirkaddu qandaraas shidaal iibsasho ah loo siiyay ceelkii Lughaya, oo uu ninkaas noo sheeg ay lasiiyay qandaraaskii batrool iibsi oo ay damacanaayeen in ay 1991 kasoo iibsadaan shidaalka Ceelkaas.

Waxaan waydiinay ma lahubaa in Batrool kujiro Lughaya, wuxuu noo sheegay in aanba laga hadlayn ma ku jiraa, ee laba siiyay qandaraaskii soo iibsasho, balse uu dalkii burburay oo ay noo yimaadeen qaxooti.

Waxaa cad markaas in arrimaha ay soomaaliya la dagi la’adahay ay qayb ka tahay macdantaas batrool oo la isku haysto, iyo Soomaalida oo ah dad aan la boobi karrin sida qaaradda Africa iyo Carabta.

Balse dhiigga Soomaaligaa wuxuu qancaa marka Qaybtiisa la siiyo.

Shirkadahaaan maafiyadaa taa badalkeeda waxay waqtigiiyoo dhan ku dhumiyeen dalkaan kala qayb qaybsha oo markaas qolo walba meesheeda ku booba, oo u dhiibta dad aad danihiina ku gaadhaan bas.

Waxaa iyana aan meesha ka marnayn aqoon yarida Soomaalida, iyo deg degooda iyo wax isku ogalaasho la’aanta.