Afhayeenka qurba-joogta Puntland ee Finland oo ka qayb-galay shirka ka socda Copenhegan (Sawirro)

Filed under: Wararka |

Copenhegan Daladda ay ku mideysan-yihiin qurba-joogta Puntland ee dalka Finland ayaa ka qayb-gashay shirka ka socda dalka Denmark ee looga hadlayo arrimaha Soomaalida.

Ka qayb-galka shirka waxuu muujinaya dadaalka ay waddaan qurba-joogta Puntland ee ku nool dalka Finland,waxaana shirka uga qayb-galay afhayeenka daladda Maxamed Maxamuud Nuur (Asad Caalim )
Asad Caalim sidoo kale waa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga talada dalka Finland haya(The National Coalition Party) Islamar ahaan taana ah la-taliyaha madaxa banaan ee dawlada Finland kala taliya arrimaha Soomaaliya.
Shirka hiigsiga cusub ee New Deal oo maanta qorshuhu yahay in la soo gaba-gabeeyo,waxaa looga hadlaya arrimaha Soomaalida iyo sidii ay beesha caalamka uga taageeri lahayd baahiya jira.

Xubnaha shirka lugu casumay oo ay ka mid tahay daladda qurba-joogta Puntland ee dalka Finland,waxaa lugu wada inay door muuqda ka qaadato daladda natiijada shirka maadaama xubin sare ay shirka uga qayb-galayso.

Afhayeenka daladda ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ka qayb-gashay shirka,waxuuna ugu hareeyn kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo u kala hadlay isku xirnaanta dadka Soomaalida ah.

Sidoo kale,afhayeenka daladda qurba-joogta Finland,Maxamed Maxamuud Nuur (Asad Caalim ) waxaa kaloo uu kula shiray magaalada Copenhegan oo u ka socda shirka arrimaha Soomaalida,wasiirka arrimaha dibadda dowladda Itoobiya oo Soomaaliya gacan siisa.
asad-denmark3

“Ka qayb-galka daladda ee shirka Copenhegan ,waxuu muujinaya dadaalka ay wado iyo doorka ay ku leedahay arrimaha Soomaalida,waxaana filiya inuu muuqda ka qeyb-galka an ku leenahay shirka,”ayuu yiri afhayeenka daladda ay ku midooben qurba-joogta Puntland ee dalka Finland,Asad Caalim.
asad-denmark
asad-denmark5
Xubno ka mid ah daladda ayaa muddooyinkii dambe ka qayb-galayay shirar caalami ah oo ka dhacay qar ka mid ah waddamada Yurub,waxaana ugu dambeeyay shirkii ka dhacay dalka Turkiga oo u ka qayb-galay wakiilka dowladda Puntland ee Finland Janno-gale iyo guddoomiyaha daladda.

asad-denmark1

asad-denmark6