Agaasime Waaxeedyada Dawladda Hoose Ee Gaalkacyo Hanaanka Loo Tartansiiyay (Qormo Gaaban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Past and future

Past and future


Qormadaan Gaaban ayaan ku eegaynaa Isbadalkii xukuumadda Madaxwayne Gaas kusoo kordhisay hanaanka loo soo xulayo agaasime waaxeedyada dawladda hoose degmada Gaalkacyo, kadib markii Gudigii Madaxwaynuhu magacaabay ee dib usixidda Degmada Gaalkacyo ay kala direen 22.7 6 agaasime waaxeed ee dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo, inkastoo aan magacyada agaasime waaxeedyadaas saxaafadda si toosa lowgu soo bandhigin, balse la sheegay 6 agaasime waaxeed ee dawladda hoose ee Gaalkacyo oo lakala diray iyo xili cayiman oo loo qoondeeyay hanaanka lagu kala reebi doono u tartamyaasha jagooyinkaas.

Marka hore waxaa ay shacabka indheergaradkaa soo dhaweeyeen halku dhaggii madaxwaynaha ee ahaa “KULU XARAKA LAHAA BARAKAH” micnaheeduna yahay isku daykasta khayr baa ku jira.

Runtiina isku daygii in bal uunan Madaxwaynuhu soo magacaabin agaasime waaxeedyada ee inta guddi loosaaro ay guddigaas soo jeediyaan hanaanka loo kala reebayo u tartamayaasha jagooyinkaas waa talaabo horumareed.

Waxaase isa soo taraya dhaliilo aan saas u waynayn oo dadka qaarkiis ay leeyihiin sidii ugu cadaalad sanayd looma agaasimin waayo waxay ahayd marka Gudiga uu magacaabayo in uu madaxwaynuhu wada tashi kala sameeyo bulshada reer gaalkacyo oo calaa aqali shakhsiyaadka aaminaada lagu yaqaan ay bulshada Gaalkacyo inta iska soo dhex doortaan illaa labo ayagu gudigaas kusoo darsadaaan oo Madaxwaynahay ahayd in uu yiraahdo laba ruux idinku iska soo xula.

Hal ruux oo isna sidaas oo kale laga keeno isla xarunta dawladaha hoose ruuxaas oo isna lagu yaqaan aamin nimo iyo khibrad dheer, sidoo kale hal ruux oo ka socda ururka saxaafadda ee Map.

iyo 3 ruux oo uu madaxwaynuhu soo magacaabay.
Waxaa kaloo loo samayn lahaa 7daas ruux hal email oo ay wada arkayaan 7da ruux, si markaas qof kasta oo arji soo qortaa loo xaqiijiyaa in uu arjigiisii si saxa usoo gaaray emailkii guud ee ay 7da ruux ee gudigaa wada arkayeen.

Waxaa dhacda in hal boos ay soo codsadaan illaa 1000 ruux, markaas waxaa la sameeyaa waxaa lagu kala saaraa shuruudo adag oo waxaa lasameeyaa 30 qof oo kamida oo ah kuwa buuxiya shuruudaha adag ayaa lowgu yeeraa waraysi, waxaana wanaagsanayd in hanaanka lagu kala saarayo agaasime waaxeedka dawladda hoose ee Gaalkacyo ay saxaafaddu ka diyaariso barnaamijyo toosa, taasi oo u ahaan lahayd guul aan lasoo koobi karin xukuumadda Gaas, isla markaasna dhamaan shacabka Soomaaliyeed u ahaan lahayd tusaale aad u wanaagsan oo ay kaga daydaan.

Laakiin arrinkaas sidaas u fudud haddii uu sidaas u dhamaystiri lahaa Madaxwayne Gaas waxay ahaan lahayd Guul usoo hoyatay xukuumadda madaxwayne Gaas, bil xaqiiqiyan waa halka horumarku ka bilowdo in dadka inta lakala saaro qofka ugu habboon shaqada loo dhiibo, waana markaas marka ay bulshadoo dhami dareemayaan waxqabadka dawladda, laakiin haddii jagada loo dhiibo ruux aan ku habboonayn wuxuu la harayaa dhammaan bulshadii Soomaaliyeed waxayna ka dhigantahay iyadoo la dabaalanayo oo ruux aan dabaal aqoon aad badda ku riday waana hallis hadii uu idinku dhago waayo idinkoo dhan baa wada dhimanaya, ruuxa loo dhiibo shaqo aannu garanayn waa saas oo kale.

Si kastaba ha ahaato, 17-kii sano ee Puntland soo jirtay waa markii ugu horeysay ee agaasime waaxeed dowladda hoose ee Gaalkacyo darbi lagu soo dhajiyo, awal waxaa soo magacaabi jiray Madaxwaynaha, intaas yar ee isbadalkaa ee tanaasulkaa waa ay ku dhiiran waayeen xukuumadihii ka horeeyay xukuumadda Madaxwayne Gaas.

Waana aan soo dhawaynaynaa isbadalka xukuumadda madaxwayne Gaas, Guul iyo Barako.

guddiga dib u sixidda dawladaha hoose gaalkacyo

akhri maqaalka
Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 2aad mar labaad)