Agaasimyaasha Wasaaradaha qaabka loo Magacaabo Dalalka Dimoqraadiyaddu ka jirto (Xog Muhima Fadlan Akhri oo ka tala keen)

Filed under: Wararka |

Maqaalkan waxaan ku falanqaynaynaa
1) Maxay ku kala duwanyihiin Agaasime iyo Wasiir.
2) Yaa magacaaba Agaasimaha dalalka ay ka jiraan Nidaamka Dimoqraadiyadda
3) Yaa hadaba kala saaraya Codsiyaashii soo Codsaday shaqada Agaaimaha
4) Xiriirka ka dhexeeya la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Agaasimayaasha.
5) Gabagabo iyo Soomaaliya

1) Maxay ku kala duwanyihiin Agaasime iyo Wasiir.

Agaasime (executive director) waa Xubinta ugu muhiimsan Wasaaradkasta ama Hay’adkasta, waayo Agaasimuhu waa Hawlwadaha ama shakhsiga ka masuulka ah dhamaan hawlaha iyo shaqada noocyadeeda kala gadisan ee ka socda Wasaaradda ama ururka, ama Hay’adda, ama Shirkadda.
Wasiirku waa Gudoomiye (Chairman) ee ma ahan Howlfuliye (Agaasime), (executive director).
Agaasime iyo Wasiir waxay lamid yihiin Madaxwayne iyo Raysalwasaare, dalalka ka guuray Nidaamka kaligi taliska Madaxwaynuhu wuxuu Dusha ka illaashaa hay’adaha Dawladda ee kala gadisan, halka raysal Wasaaruhu uu ka masuulyahay dhamaan shaqooyinka Xukuumadda, waxaana wanaagsan in Shacabku gaar usoo doortaan Raysalwasaaraha, Madaxwaynahana gaar usoo doortaan, sida Dalka Finland, inkastoo raysalwasaaraha lagu soo doorto hanaanka asxaabta badan oo xisbiga ugu codka bata afhayeenkooda ayaa noqda raysalwaasaraha, laakiin Madaxwynaha dalkoo dhan baa u codeeya, oo waxaa la diidayaa in Madaxwaynuhu soo xusho  raysalwasaare isaga ka amar qaata.
Sidaas si lamid ah ayaa Wasiirkuna hab gaara loosoo doortaa, Agaasimahana hab gaara, labadooduna waxay ku wada shaqeeyaan Qodobo Dastuuriya.
Xaqiiqiyan inta baddan Waxaaba laga yaabaa dalalkaan horumarka gaaray in uu Raysal Wasaare iska noqdo mid aan waligiiba iskuul xitaa si fiican usoo dhigan, waayo hadii uu codkar yahay, lacagna haysto wuxuu helikaraa xiliga Doorashada dad baddan oo cod siiya, sidaas awgeed ayaynan dalalka horumaray u siinayn Masuuliyadda fulinta Hawlaha wasaaradaha oo dalkoo dhan lagu kala wado, howlahaasna waxaa kala wada Agaasime khibrad iyo Cilmi u leh, ee maba wadi karo ruux siyaroo fudud lowgu soo codeeyay.

2) Yaa magacaaba Agaasimaha dalalka ay ka jiraan Nidaamka Dimoqraadiyadda

Dalalka ka guuray Nidaamka kaligitalisnimada ee u guuray Nidaamka Dimoqraadiyadda, waxay ka guuraan dhamaan waxkasta oo kor laga soo magacaabayo, waxayna u guuraan waxkasta in Shacabku soo xushaan.

Hadaba markasta oo wadanka Doorasho ka dhacdo oo Xisbiyadu tartamaan, waxaa guulaysta Xisbi Cusub, Xisbigaas wuxuu soo magacaabaa Dawlad iyo wasiiro Cusub oo wasiiradii hore waa la badalaa.

Laakiin Wasaaradkasta hawsheeda waxaa wada Agaasime Khibrad u leh Wasaaradda Hawlaheeda.
Masuuliyadda Agaasimaha iyo tan Wasiirku waxay ku xusanyihiin Qodabada Sharciyada wasaaradda.

Marka ay wasaaradda ka banaanaato shaqada Agaasimaha, waxaa markiiba lagusoo dhajiyaa shaqadaas Banaan Jaraa-idada iyo goobo kasta lagu xayaysiiyo shaqooyinka banaan, waxaana lagu daraa dhamaan Shuruudaha looga baahanyahay (Criteria) ruuxa shaqadaas Qabanaya sida intaas oo sano oo Khibrad shaqo ah, Shahaadada waxbarasho maralan Agaasimaha Wasaaradda maaliyadda waa in uu haystaa Shahaado Master Digree economic or Finance.

3) hadaba yaa kala saaraya Codsiyadii soo Codsaday shaqada Agaaimaha Waaaradda.

Waxaa la magacaabaa Gudi(steering group) illaa 7 qof ka kooban oo u xilsaaran, waraysi layeelashada tartamayaasha Jagada Agaasime ee wasaaradda.

Gudigaas ayaa waxaa laga dhigaa dadyaw kala gadisan sida Illaa 3 qof oo kamida gudiga waa in ay noqdaan dadka ugu muctarifsan dhamaan dalka ee shaqada wasaaradaas sida goonidaa khibrad ugu leh oo matalan illaa heer Profesor gaaray, illaa laba qof oo lagu yaqaan Aamin nimo iyo eex la aan, iyo Illaa laba xubnood oo kamida shaqaalihii wasaaradda mudada ugu dheer ka shaqaynayay (kolaba waxaa muhim ah Guddi la isla gartay marka danbana lagu caddeeyo sharciyada wasaarada ee soo xulista agaasimaha la xiriira)

4) Xiriirka ka dhexeeya la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Agaasimayaasha.

Dalba dalka uu ka horumarsanyahay ayuu ka Musuqmaasuq yar yahay, majiro dal aan la dagaalamin Musuq Maasuq oo horumar gaaray, dalka Ruushka waa dalka aduunka ugu Qanisan ugu ballaaran, dadkiisu cilmi leeyihiin, dadkiisu aad u yaryihiin waayo waa 140 Million, halka Nigeria ay 160 Million dadkeedu yihiin, hadana Ruushku horumar waa gaari layahay, sabatuna waa Musuqmaasuqa.

2013-kii Soomaaliya waxay noqotay dalka ugu MusuqmaasuqA badan 175-TA dal ee Dunida kajira HALKAAN KA EEG
corruption
Waxaanad arkaysaa dalba dalka uu ka horumarsanyahay waa ka musuqmaasuq yaryahay.

Hadaba Agaasimuhu waa Hawlwadeenka wasaarad kasta iyo ururkasta, iyo meelkasta oo shaqo kasocoto waxaa shaqada fuliya oo waliba wixii dhaqaale ah ka masuul ah waa agaasime, haddii marka aynan shacabku arrinka Agaasimaha meel iska saarin waligood cadaaladdaro iyo Musuqmaasuq ka biximayaan.

Waxaa ay reer Puntland aad uga warhayaan Cadaalad darada iyo Musuqmaasuqa hareeyay Agaasimayaasha wasaaradaha Puntland iyo deegaanada kale ee Soomaalidu ka arrimiyaan sida Somaliland iyo DFS.

Sikastaba ha ahaatee haddii Shacabku arrinkaan muhiimadiisa ku baraarugaan, waxaa fududaanaysa sidii wax looga qabanlahaa.

Diyaariye
eng Ibrahin Sh Moh’d Gablax gablax@yahoo.com