Akhri cv-gii iyo Taariikh nololeedkii Proff Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, markii raysalwasaaraha loodoortay 2010-kii

Filed under: Wararka |

Gaas

Prof. Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas oo uu maanta xilka ra’iisul-wasaaraha u magacaabay madaxwayne Shariif Sheekh Axmed, waxa uu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud, halkaasoo oo uu ku soo qaatay waxbarashadiisa asaasiga ah illaa iyo tan heerka dugsiga sare.

1984-kii ayuu shahaadaha cilmiga dhaqaalaha ka qaatay kuliyaddii dhaqaalaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

1988-kii waxa uu shahaadadiisii ugu horaysay ee Masterka ka qaatay jaamacadda Vanderbilt oo ku taalla magaalada Nashville ee gobolka Tannessee ee dalka Maraykanka. Waxa uu takhasus ku sameeyay horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah.

1999-kii Jaamacadda caanka ah ee Harvard kuna taalla magaalada Cambridge ee gobolka Massachusetts, dalka Maraykanka ayuu Prof. Cabdiwali waxa uu ka qaatay shahaado la xiriirta qorshaynta iyo maamulka qaybaha kala duwan ee canshuraha caalamiga ah.

Isla sannadkaas (1999) waxa uu isla Jaamacadda Harvard ka qaatay markii labaad shahaadada Masterka, isaga oo markan labaad takhasus ku sameeyay maamulka guud.

Sannadkii 2000 ayuu Jaamacadda Goerge Mason ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka waxa uu cilmiga dhaqaalaha ku qaatay shahaadada sare ee PhD -da.

Qoraallo-Cilmiyeedka:
Prof. Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas waxa uu leeyahay qoraallo-cilmiyeed kor u dhaafaya afartameeyo, kuwaas oo uu inta badan ka qoray arrimo la xiriira, koboca iyo horumarinta dhaqaalaha, maamulka iyo maaraynta lacagta iyo waliba guud ahaan howlaha maaliyadda, arrimaha la xiriira canshuuraha, xuquuqda aadanaha, faqriga iyo dib-u-dhaca iyo waliba maamulka wanaagsan ee haykallada ama mu’asasaadka dawliga ah iyo dimuqraadiyadda.

Qoraalladaas ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo uu ku soo bandhigay shirar iyo maxaafil caalami ah iyo kuwo lagu soo daabacay majallado iyo mareegtooyin caalami ah oo kala duwan.

Qoraalladaas iyo dadaalkiisa aqooneed iyo kan shaqaba waxa uu ku muteeysay shan billadood iyo waliba sagaal shahaado-sharaf oo caalami ah.

Khibradda Shaqo:
Prof. Cabdiwali Gaas, waxa uu ahaa wasiirkii qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dawladdii is-casishay ee ra’iisul-wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Muddadii koobnayd ee ka dambaysay is-casillaadda Ra’iisul-wasaarahana waxa uu sii ahaa ku simaha xafiiska.

Intii uunan ku soo biiriin hoggaanka siyaasadda federaalka Soomaaliya, Prof. Cabdiwali waxa uu Proffessor dhiga cilimiga dhaqaalaha ka ahaa kulliyadda ganacsiga ee Jaamacadda Niagra ee gobolka New York.

Muddadii u dhexeeysay 1993-kii illaa iyo 2003d-dii, waxa uu bare jaamacadeed iyo mid kulleejo ka soo ahaa Jaamacadda Harvard iyo kulliyadda bulshada iyo waqooyiga Virginia.

Marka dhan la iska dhigo khibraddiisa macallinimo, Prof. Cabdiwali waxa uu intii u dhexeeysay 2000-2003-dii khabiir dhinaca cimi-baarista ah ka ahaa maamulka gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

1985-kii illaa 1990-kii Prof. Cabdiwali waxa uu ka tirsanaa wasaaraddii maaliyadda iyo lacagta ee dawladdii Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Soomaaliya, halkaas oo uu ka soo qabtay mas’uuliyado sarsare oo la xiriiray dhinaca maamulka lacagta iyo canshuuraha.

Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxa uu la-taliye ahaan ula soo shaqeeyay mashaariic dhowr ah oo ay fuliyeen Bankiga Adduunka iyo hay’adda QM ee horumarinta UNDP kuwaas oo laga fuliyay meelo kala duwan oo ku yaal caalamka iyo Soomaaliyaba. Mashaariicdaas kii ugu dambeeyay waxa uu ka fuliyay dawladda Puntland biloowgii sannadkii 2010-ka.

Ka sokoow luqaddiisa hooyo ee Soomaaliga, Ra’iisul-wasaare Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas, waxa uu ku hadlaa luqadaha ay ka midka yihiin Ingiriiska, Talyaaniga iyo Carabiga.

Prof. Cabdiwali waa xaasle waxana uu leeyahay saddex wiil iyo gabar. Qoyskiisu waxa ay ku nool yihiin magaalada Baffalo ee gobolka New York.

Haddii ay ansixiyaan golaha barlamaanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya, Prof. Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas waxa uu noqonayaa ra’iisul-wasaarihii shanaad ee soo mara federaalka Soomaaliya oo dhashay sannadkii 2004-tii.

CV-ga C/wali Maxamed Cali Gaas ee 2010-kii

3 Responses to Akhri cv-gii iyo Taariikh nololeedkii Proff Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, markii raysalwasaaraha loodoortay 2010-kii