Akhri Qaybo Kamid ah Talooyinkii Durba Farmaajo loosoo jeediyay Intii Aan Raysalwasaaraha La Magacaabin ee Aan PO Ku Daabacnay (Fallanqayn muhim ah)

Filed under: Important News,Wararka |

Talo: Fadlan Madaxwayne Farmaajo Xulashada Raysalwasaaraha U Magacow Guddi Xul Ah Oo Aad Gudoomiye uga dhigto Prof Cabdi Ismaaciil Samatar

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nin wax ku siiya waad heshaa laakiin nin talo ku siiya ma heshid, waayo inta badan soomaalidu talooyinka saxdaa way kaa xasdayaan laakiin qofka wax kula doonaya wuxuu ku siiyaa talada ugu saxsan uguna daacadsan.

Laakiin qofka xumaantaada ka shaqaynaya wuxuu ku siiyaa talo uu ogyahay in aad aakhirka ku burburayso.

Maalintii la doortay madaxwayne farmaajo maalintii ku xigtay baan Puntland observer ugu qornay in uu marka uu raysal wasaaraha magacaabayo hannaan talo wadaagnimo u magacaabo, isagoo marka hore dajinaya qorshihiisa siyaasadeed dabadeedna magacaaabaya Gudi illaa 7 ruux ka kooban oo dadka Soomaalida ugu daacadasan uguna qaranimada jecel ka kooban, isla markaana aynan ka marnayn 4.5, waliba waxaan kula talinay in uu Prof Cabdi Ismaaciil Gudoomiye uga dhigo.

Markaas ay gudigaas iyo madaxwaynuhu ay Soomaalida usoo xullaan raysalwasaare, si markaas calaa aqali uu madaxwaynuhu ugu doodo in aynan xulashadaas u gooni ahayn ee Soomaali oo dhammi ka qayb qaadatay, isla markaasna guddigaas saxaafadda kala socodsiiyaan meesha ay wax u marayaan iyo hannaanka ay wax ku xulayaan iyagoo mararka qaarkood doodo tv-yada ka qaybqaadanaya oo dhegeysanaya talooyinka shacabka

Laakiin hadda magacaabaddii uu madaxwayne Farmaajo magacaabay raysal wasaaraha waxaad mooddaa in aynan faragallin shisheeye oo danahooda gaarkaa wata iyo faragallin gudaha ah oo iyana danahooda gaarkaa wata aynan ka marnayn, waana midaas midaan kala talinaynay in ay dhacdo.

Waayo xilli aad u xun oo ay Soomaali dillootay suntii qabyaaladda ayaan ku jirnaa, hadana waxaan ku jirnaa xili Soomaaliya dana badan laga leeyahay oo ay gacmo shihseeye oo kala dana ah ku hardamayaan oo hadaad gacmaha shisheeye qaar soo dhawaysato ay qaarkii kale kula diriryaan

Sida kaliya ee looga bixi karaa waxay ahayd daacadnimo iyo hufnaan iyo dhexdhexdhexaadnimo.

Waxaana hadda ugu daran markii aad dalalka shishiyeeye badahooda gashid oo aad qaar soo dhawaysato qaarna colaadsato, waa arrin khatarteeda leh, mana wanaagsana in aan badahaas dhex dabaalano.

Akhri Qaybo Kamid ah Talooyinkii Durba Farmaajo loosoo jeediyay Intii Aan Raysalwasaaraha La Magacaabin ee Aan PO Ku Daabacnay