Akhriso Qodabada Khudbadda Madaxwayne Gaas Uu Ka Jeedin Doono Shirka Tana High Level Forum ee Ethiopia

Filed under: Important News,Wararka |

shirka tana forum gaas

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta 22 April 2017 magaalada Bahar Daar ee dalka Itoobiya kaga qayb galay shirkii sannadlaha ahaa ee Madaxda Afrika ee Tana High Level Forum ee looga hadlayey xaaladaha dhaqaale,  amni iyo khayraadka dabiiciga ah ee qaarada Africa oo saaka ka furmay halkaasi.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay madax tiro badan oo ka kala timi dalalka ay ka kooban tahay qaaraddani Afrika iyo wakiilo ka socda wadamada Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Belgium iyo wadanka Germany, iyadoo madaxweyne walba oo shirka kasoo qayb galayna uu khudbad halkaasi kajeedin doono.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo  khudbad taariikhi ah ka jeedin doona shirka ayaa khudbaddiisa waxa uu xoogga ku saari doonaa guud ahaan xaaladaha Amni, tan dhaqaale iyo khayraadka dabiiciga ah ee alleh ku manaystay geyiga Soomaalida gaar ahaan dhulka baaxaleh ee Dawladda Puntland oo ay ka jirto koboca dhaqaale, amni iyo wax soosaarka dabiiciga ah oo ay kaga duwan tahay gobollada kale ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxa uu madasha ka sheegi doonaa doorka ay dawladdiisu siisay dar-dar gelinta dhismaha  kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland sida Jidadka, Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha oo saamayn weyn ku leh koboco iyo kor u qaadista dhaqaalaha Puntland, isla markaana muddadii uu xilka hayey uu ku sameeyey is beddello taabba gal ah.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynuhu khudbaddiisa kaga hadli doonaa Xaaladda Amni ee dalka gaar ahaan Puntland oo ay ka jirto nabad gelyo buuxda oo laysku hallayn karo, waxa uu sidoo kale khudbadiisa ku xusi doonaa is bedelkii taariikhda galay ee lagu doortay madaxda sar-sare ee DFS oo ahaa mid guud ahaan Soomaaliya Buug cusub ufuray.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa iyana qayb ka ahaandoonta khudbadiisa abaarta baaxadaleh ee ka jirta gebi ahaanba Soomaaliya, taas oo wax yeelo weyn u geysatey shacab Soonaaliyeed,

Shirka Tana High Level Forum ayaa socon doona muddo labo maalmood ah waxaana la rajeynayaa in lasooo afmeero maalinta Axadda ee  berrito isla markaana ay kasoo baxaan qodobbo wax ku ool ah.