Al Shabaab Oo La wareegay Marka

Filed under: Wararka |

Sida ay Wararku Sheegayaan Al-Shabaab ayaa la wareegay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, saacado kadib markii ciidamadii dowladda iyo kuwa AMISOM isaga baxeen.

Al-Shabaab ay ka soo galeen dhanka bari, iyadoo halkaas iska hor imaad kooban uu ku dhex maray Ciidamo madani ahaa oo magaalada ku sugan.

Dad Goob joogayaal ku sugan Marka oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay, in Al-Shabaab la wareegeen, ayna ka taageen calankooda.

waxaana jirin wax dhaq dhaqaaq ah oo ka jira magaalada, tan iyo markii xaalad cabsi ah ay gashay.

Ciidamo wajiga u duuban ayaa lagu arkay Saldhiga degmada Marka iyo goobo kale, waxaana ay magaalada gaaf wareegayeen, iyagoo wajiga u duuban.

Ciidamada dowladda iyo maamulkii deegaanka ayaa iyana la sheegay inay ka baxeen magaalada, waxaana jirin ilaa iyo hada war ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kan Gobolka.

Magaalada Marka oo ah magaalo xeebeed istiraatiiji ah ayaa magaalada Muqdisho u jirta illaa 100KM, waxayna ka mid aheyd magaalooyinkii Al-Shabaab laga saaray sanadkii 2012.

Waxaanna Halkaasi Wada faarujiyay inteysan All-Shabaab qabsan Cidamadii AMISOM Iyo Kuwii Dowladda ee Mudada Heystay, Walow aysan Dowladda somaliyana Wali Ka hadlin