Alshaab oo si arxan darro ah u laayay Ciidamadii Burundi ee Soomaaliya Joogay

Filed under: Wararka |

Ugu yaraan sodon qof ayaa lagu dilay weerar Al-Shabaab saaka ka geysteen saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego, oo ku yaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhiftay albaabka hore ee xerada, kadibna dagaal xoogan ayaa bilowday, kaasoo ahaa mid faraha looga gubtay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gudaha u galeen xerada, isla markaana ay la wareegeen hub iyo saanad ciidan, iyadoo markii dambena dadka deegaanka ku xoomeen xeradaas.

Ciidamada AMISOM ayaa dib uga gurtay xeradaas, iyagoo dhinaca Garoonka Balli-doogle aaday, waxaana weerarka uu ahaa mid aad xooganaa oo ahaa mid qorsheysan.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay la wareegeen xerada, ayna ka dileen Ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi askar aad u fara badan.

Cali Dheere ayaa sheegay in khasaaraha lixaadka leh ee ay u geysteen AMISOM uu ahaa mid ka badnaa kii sanadkii 2011 illaa 70 askari kaga dileen degmada Dayniile.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM weerarkaas uu ka soo gaaray khasaare culus, ayna jireen saanad milateri oo laga qabsaday iyo gaadiid dagaal oo laga gubay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa xaqiijiyay inuu jiro khasaare xoogan oo ka dhashay weerarka, ayna jireen qaraxyo ismiidaamin ah oo dhowr iyo toban ruux ay fuliyeen.

C/qaadir Siidii ayaa intaa ku daray in la’yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan deegaanka Leego oo uu ku jiro Guddoomiyihii deegaanka iyo Guddoomiye kuxigeenkiisi

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii bisha Ramadaan bilaabatay kordhiyay weerarada, waxaana weeraro ay ka geysteen magaalada Muqdisho maalin ka hor.