Alshabaab Oo La Wareegay Tiyeeglow Daawo Maapka (Qorm gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

tiyeeglow

Ururka Alshabaab ayaa la wareegay gacankuhaynta Degmada Tiyeeglow ee Gobalka Bakool, kadib markii ay ciidamada Ethiopia ay isaga baxeen.

Ciidamada Ethiopia ayaad mooddaa in ay hadda inta badan banaynayaan goobihii ay Soomaaliya kaga sugnaayeen, maadaama ay dalka Ethiopia gudihiisa soo wajahday qulqulad siyaasadeed waxaad mooddaa hadda in ay Ethiopia iyadu is badbaadinayso.

Laakiin waxaa cajiiba Soomaalida oo ku dheeraysa xifiltanka dhexdooda ama xukun jacayl in aynan madaxda Soomaalida wax dadaala galin sidii dalka ay amaankiisa u sugi lahaayeen

Shariif sakiin iyo Xasan Culusow ayaa malaayiin dolar u qoondeeyay sidii ay kursiga ugu sareeya Madaxwayne ugu noqon lahaaeen halka nabadgalyadooda ay illaashaan Ciidamada Burundi iyi Uganda.

Hoos ka daawo maapka dhulka ay alshabaab xukunto, iyo dhulka ay shariif sakiin iyo culusow ka taliyaan.

Waxaana ugu daran degmada uu jifo ahaan kasoo jeedo xasan culusow ee Ceel dheer oo ay degaan jifida wacayle in ay Alshabaab xoog ku haystaan, isla markaana aanad arkayn waligaa xasan culusow oo hal shir abaabulaya sidii jifidiisu deegaanadooda nabadooda u sugu lahaayeen, halka uu hadda halkii xildhibaan ku gorgorinayo hal million

somali current map

One Response to Alshabaab Oo La Wareegay Tiyeeglow Daawo Maapka (Qorm gaaban)

  1. Pingback: Alshabaab Oo La Wareegay Tiyeeglow Daawo Maapka (Qorm gaaban) - Daily Somalia Report