Aqalka Sare Iyo Cadaalad Darada Dhacday (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

P/O ayaan markasta ku daabacnaa muhiimadda cadaaladadda iyo waliba sida ay Soomaalidu dhiig ahaan ugu shaqeeyaan cadaaladda.
-Waxaan madaxda soomaalida ku goobaabinaa cadaaladda ka dhigta waxqabadkiina intaad ku meermeeraysaan kaabayaal dhaqaale, dadka Soomaalidaa waxaa deeqa cadaalad, hadaad 1000 million siiso oo uu cadaalad daro kaa dareemo wuu kula xisaabtamayaa, oo qanci maayo laakiin adigoon hal shilin siiso hadaad cadaalad kula dhaqanto wuu qancayaa.

-waxaan qormooyin aad u farabadan ka qori jirnay 5-tii Gobol ee Gobalada waqooyi iyo saami qaybsiga beelaha dega ee aqalka sare.

-maadaama dastuurku qorayay in Gobol kasta laga soo doorto 3 Senotor waxaan baaritaan dheer kadib noosoo baxday saami qaybsi 5-tii Gobol ee Gobalada waqooyi sidatan.
Dirwaqooyi=10
Hartiwaqooyi=5

HALKAAN KA EEG QORMADAAS

Hase yeeshee Gobalka Sanaag ayaa ah Gobol ay beeluhu wada degaan, waxaanan wali la tirakooban soomaalida balse ballantii wax lagu qaybsaday baa ahayd Gobaladii iyo Dedmooyinkii siyaad Bare oo ahaa sidan marka Sanaag laga eegayo.

Ceelafwayn
Laasqoray.
Baran
Ceerigaabo.

Amaba haddii sida daacaddaa loo dhigo ayaa Beesha Warsangali ayba tahay beesha ugu badan degmo ahaan iyo deegaan ahaan Gobalka Sanaag, waliba haddaad xitaa dhulka baaxadiisa eegtid gaar ahaan dhulka daaqsinka ku wanaagsan ee aan buuralayda ahayn ayaa ay markaas iska cadahay in ay beesha Warsagali ay tahay dadka Gobalka ugu badan –> afeef beesha dhulbahante ee deegaan ballaaran ka degan Gobalka Sanaag maadaama aynan Degmo buuxda ku lahayd xiligii xukuumaddii Siyaad Barre waxaan raacinay dhanka Warsangaliga.

Haddii markaas si daacada kuraastaas sadexdaa ee Gobalkaas ka timaadda 2 kursi laga siin waayo beesha Warsangali markaas waxaa dhacday cadaalad daro, waxayna ceeb xitaa ku noqonaysaa Raysalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Cumar Carte sida uu wax u maareeyay, maadaama markii hore ee Gobalada ssc saami qaybsigooda laga dooday la isla qaatay in Somaliland iyo Puntland saamigooda lagu kala daro.

Halkaan ka akhri qormada allsanaag ka qoreen caasha cabdala

5 Responses to Aqalka Sare Iyo Cadaalad Darada Dhacday (Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Aqalka Sare Iyo Cadaalad Darada Dhacday (Qormo Gaaban) - Daily Somalia Report

  2. Pingback: allsanaag