Aqoonyahan iyo Odayga Reerka

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

Xirsi Magan Cali 'Dhiqdhiqo'

 

Aqoonyahan iyo Odayga Reerka

Barnaamish ayaa lixdameeyadii ka bixi jirey Raadiyo Muqdisho oo Xirsi Magan Cali jeedin jirey oo la odhan jirey “Duq iyo Doktoor”.

Sheeko ka mid ahayd sheekooyinkii uu Xirsi idaacadda ka sii dayn jirey ayay ka mid ahayd middan soo socota:
Waxay ku saabsantahay wiil dibadda wax ku soo bartay oo dalka markuu ku soo noqday shaqo waayay. Ragga uu la sheekeeysto oo dhammi waxay ku yidhaahdaan: “Kaabbo Qaabiilka reerkaaga u tag oo waxaa ku tidhaahdaa “shaqo i gee”.

Isna wuxuu yidhaahdaa: “War anigu nin wax soo bartay baan ahay oo cidna ugama baahni in aan ka baryo in ay shaqo i geeyso”.

Ka gadaale, wuu ku khasbanaaday in uu odaygii raaska u tago. Salaan kaddib, odaygii wuxuu yidhi: “Maandhow Reer Qurac yaad ka tahay?”.
Suuye inankii dhallinyarada ahaa: “Adeer ma aqaan, haddee intaad idinku ku mashquulsanaydeen Reer Hebel anigu cilmi baan baranayay!”
Kuye odaygii: “Maandhow, maxaad u leedahay wax baan aqaan? Cid aad tahayba ma taqaanide”.
Gebaggebadii, odaygii wuxuu is yidhi bal wiilka wax la qabo. Wuxuu weyddiiyey waxa uu soo bartay.
Wiilkii baa ku jawaabay: “Adeer, cilmiga ‘kiimikada’ la yidhaahdo”.
“Oo muxuu yahay?”
“Adeer, waxa aan intaas oo sannadood waqti ku lumiyey haddeer fadhigaan kuuguma fasiri karo”.
Suuye: “Bal, wax uun iiga sheeg!”.
Wiilkii tusaalihii baa ka xumaaday oo wuxuu yidhi: “Adeer, haddii kidhli biyo ka buuxaan dabka la saaro, biyuhu maxay u gudhaan?”
Kuye odaygii: “Jaamacadeey, belo kula tagtay! War, middaas aad ka shanqadhisay carruurtuna waa yaqaanniin oo haddeed biyihii dabkaa fuuqsaday”.
Ugu dambeeyntii, odaygii oo calool weyn oo feedho qaawan ayay wiilkii ku wada kulmayaan xeebta Liido. Inankii baa intuu odaygii jillaafo u dhigay oo uu tuuray ayuu ku yidhi: “Taladii lagaala wareeg!”

Xirsi Magan Cali