Ardayda iyo Macalimiinta Degmada Baargaal oo Maanta si qiiro leh uga mudaharaaday Dadkii ku dhintay Qaraxii Muqdisho

Filed under: Wararka |

Baargaal-map
Macalimiinta iyo Ardayda dugsiyada Degmada Baargaal ee Gobolka
Gardafuu ayaa saaka Muujiyay Sida ay ugu xunyihiin weerarkii Lagu
dilay oo lagu xasuuqay Shacab badan ooaan waxba Galabsan oo 14 bishan
october ka dhacay Muqdisho.

Ardayda iyo sidoo kale Macalimintii ka qayb galay banaabaxan ayaa si
qiiro iyo murugo badan u Muujiyay sida ay uga xun yihiin Wixii ka
dhacay isgooska Zoobe ee Muqdisho.

Sidoo kale isu soo baxan waxaa ka soo qayb galay xubnaha ururka
dhalinyarada degmada Baargaal ee Bayda iyo masuuliyiin matalaysay
maamulka degmada oo uu horkacayay sii hayaha xilka gudoomiyaha
Degamada Baargaal mudane siciid cawil dhuxul waxa ayna dhamaan ka soo
qaybgalayaashii dibad baxan soo xirteen Maro Gaduudan oo ay ku
muujinayeen sida ay uga xun yihiin Dhacdadii ka dhacday magaalada
muqdisho .

macalimiinta iyo Aradyada ayaa Balan qaaday in ay ka qeyb qaadanayaan
Caawinta Dadkii wax ku noqday Qaraxaasi ba’an.
Ardayda iyo Macalimiinta Degmada Baargaal oo Maanta si qiiro leh uga mudaharaaday Dadkii ku dhintay Qaraxii Muqdisho