Awr Xiriir-Furatay

Filed under: Sheekooyinka,Wararka |

Xasan Yacquub

 

Awr Xiriir-Furatay

Nin dhaan ahaa ayaa laba rati isku soo xiriirsaday. Kolkii uu muddo sii socday ayaa mid awrtii ka mid ahaa xiriir-furtay. Ceelkii markii uu tegey ayuu arkay in rati qudha uu wato.

Kii u hadhay ayuu ceelka gawgiisii ku xirtey oo dabadeed baadiggoob kii ka lumay ugu dhaqaaqay. Awrkii oo xalayto uu libaax cunay ayuu u tegey.

Halkii uu kii hore ku ogaa ayuu ku soo laabtay. Mise wuxuu u yimid ratigii oo ceelkii ku dhacay oo ku bakhtiyey.

Waxaa la wariyey in ninkii oo farammaran uu reerkiisii dib ugu laabtay.

Xasan Yacquub ”Baabraqiis”

 

One Response to Awr Xiriir-Furatay

  1. Pingback: Awr Xiriir-Furatay - Daily Somalia Report