Axmed Aadan Dheere Oo Si Fiican U Sharaxay Colaadda Gaalkacyo In Ay Sababtay Maamul Xumada iyo soohdin la’aanta ee Aynan Shacabku Dirirsanayn (Dhegeyso)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |


Si aad u fahanto arrimaha Galmudug iyo Puntland isku hayaan akhri warbixintaan
Axmed Aadan Dheere oo magaalada Gaalkacyo caan ka ah Nolashiisana ku soo noolaa Gaalkacyo iyo Jariiban isla markaana xiliyadii dawladdii dhexe degmooyinka Gaalkacyo soo maamuli jiray ayaa Radio Daljir su’aalo ka waydiiyeen waxa sababay dagaalada Gaalkacyo ee soo noqnoday.

Axmed Aadan dheere ayaa sheegay wixii ka horeeyay maamuladan cusub ka hor in aynan magaalada dagaalo ka jirin isla markaana aynan shacabku dirir sanayn.

Dagaalada waxaa sababaya magaalo laba guduumiye leh oo aan Sooxdin ama xuduud lahayn
Boolisku ma yaqaan meesha ay xuduudiisu tahay
Dawladda hoose ma taqaan meesha ay xuduudeedu tahay oo ay tahay in ay canshuurta ka qaadato

Miyaga waligeed carshin iyo ceel bay reer miyigu isku qaban jireen.
Laakiin magaalada colaadi kama jirin maamuladaan cusub ka hor waayo nidaam iyo soohdimay lahayd.

Iyadoo aan magaaladaan xuduud loo kala samayn in ay nabadi ka dhacdo waa maya

Garasho xumaa diidaysa in magaalada nabad lagu soo dabaalo
Haddii labada Madaxwayne ama labada Govornatoore ay xiriirilahaayeen xal baa la heli lahaa
Anaa Amiir wa anta Amiir baa socoya.
Dhibaatada waxaa wada DFS iyagaa dagaalka huriya
Xalku waa iyadoo la yagleelo sooxdin ku meel gaara oo labadaan maamul ka dhaxaysa
Hadaan xalaamad la kala dhex dhigin oo la oran idinku intaan maamula idinkuna intaas maamula.

Waagii ay ay shacabka talada gacanta ugu jirtay
Shacabku waa yaqaanaan sida loo xaliyo khilaafaadkooda

laakiin hadda labada maamul ayaa taladii la wareegay shacabkiina waxba gacan uguma jiraan
Dawladda dhexena waxay ahayd in ay dhexdhexaad ka noqdaan laakiin hadda dawladda dhexaa colaadda hurniaysa

In aynan shacabka waxba ka dhexeyn hadda jariiban iyo caduunka beelahan Sacadka iyo Majeerteen baadiyaha waa wada degaan oo meeshii roob ka da’o waa is dhex deganyihiin wax colaadana uma dhaxaysaa taasaa cadaynaysa in aynan dadka wax dhibiyihi ka dhaxayn ee ay arrinkaan ka danbeeyaan maamulada iyo dfs.

Dhegeyso.

2 Responses to Axmed Aadan Dheere Oo Si Fiican U Sharaxay Colaadda Gaalkacyo In Ay Sababtay Maamul Xumada iyo soohdin la’aanta ee Aynan Shacabku Dirirsanayn (Dhegeyso)

  1. Pingback: Axmed Aadan Dheere Oo Si Fiican U Sharaxay Colaadda Gaalkacyo In Ay Sababtay Maamul Xumada iyo soohdin la’aanta ee Aynan Shacabku Dirirsanayn (Dhegeyso) - Daily Somalia Report

  2. Pingback: Maxaa Sababay Dagaalka Gaalkacyo (Warbixnidii P/O aan Horey Ugu Daabacnay) | Puntland Observer