Axmed Cubayd Oo Si Fiican Ugu Caqli Celiyay Beesha Muqdisho: Walaalayaal Gaalkacyo Marka Ma Ahane Ha Ku Hoobanina, Madaxwaynihii Aan Dooranayay Ayaa Hubkii Iyo Rasaastii Idiin Sooraraya Oo Ayraboorka Taagan (Dhegeyso)

Filed under: Important News,Wararka |

cubayd
Axmed Cubayd ayaa saaka ku kalahay Idaacadda Daljir xili ay saakay Galmdug soo weerareen magaalada Gaalkacyo.

Axmed ayaa la yaaban damac xumada siyaasiyiinta beesha Muqdisho, maadaama ay waxwalba hadda haystaan hadana wali damaaci sii hayo in ay dhul qabsadaan.

Wuxuuna Cubayd la yaabay Dawladdii juhdigii lo’okayto ay reer Puntland galiyeen ee sharciyada loo sameeyay ee Xasan Sheekh lagu fariisay hadana maanta taagan Ayraboorka Muqdisho oo ciidamaduu qaranka iyo hubkii jamhuuriyadda diyaarada kusoo daabulaya.

Cubayd ayaa u sheegay reer Muqdisho, walaalayaal waad garanaysaan wixii jamhuuriyadda Soomaali lahayd oo aad Gaalkacyo ku qabsadteen oo aan ka cararnay innagoo qaydad wadana oo aad maatadii ku xaquuqdeen, idinkoo koonfur oo dhana aad ogaydeen waxaad ka samayseen, hadana waataan dib u qabsanay Gaalkacyo oo aad ka cararteen, markii danbane idinkii maato ah aan magaalada idinku soo celinay oo aan madax idinka dhignay.

Haatan oo aad ogtihiin in aynan jirin cid aad waxka qaadi kartaan, ayaad kusoo dhaqaaqdeen in aad dhalinyarada isku baabi’saan.

madawaynihii aan dooranay ayaa ayraboorka taagan oo idiin soo daabulaya hubkii Jamhiiriyadda si aad qayb soomaaliya ka mida ku qabsataan.

Nimanka shalay lagu doortay garoowe, oo diyaaradda iyaga sida inta laga dajiyo ciidankii xamar lagu soo daldalayaa.

Waxaa la yiri diqsigii ciir ku dabaal bartay fuud buu ku gubtaa.
Dad masaakiin oo raaciyada oo aan hub haysan baad hubkii dawladda ku gubtay (Marka)
Halkaan marka ma ahan waa Holac.
Halkaan malagaagii baa yaal
Bini aadan laguma sheegi karo
waa baalalay dab ku dhimanaysa, maxaad ku dhimanaysaa
Baalalayda aad soo wado adiga iyo baalalayda aad wadoba holac baad ku dhimanaysaan

Dhegeyso

2 Responses to Axmed Cubayd Oo Si Fiican Ugu Caqli Celiyay Beesha Muqdisho: Walaalayaal Gaalkacyo Marka Ma Ahane Ha Ku Hoobanina, Madaxwaynihii Aan Dooranayay Ayaa Hubkii Iyo Rasaastii Idiin Sooraraya Oo Ayraboorka Taagan (Dhegeyso)

  1. Pingback: Axmed Cubayd Oo Si Fiican Ugu Caqli Celiyay Beesha Muqdisho: Walaalayaal Gaalkacyo Marka Ma Ahane Ha Ku Hoobanina, Madaxwaynihii Aan Dooranayay Ayaa Hubkii Iyo Rasaastii Idiin Sooraraya Oo Ayraboorka Taagan (Dhegeyso) - Daily Somalia Report