Axmed Kismaayo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland oo aan ku darin qorshaha Gudiga Doorashooyinka Diinwaangalinta Shacabka (Dhegeyso)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Axmed Kismyaayo ayaa jeediyay khudbad aad u culus oo aan waligeed horey loo jeedin, laakiin waxaan khudbadda Axmed Kismaayo ku cadayn hanaankii shacabka loo diiwaan galin lahaa, maadaama diinwaangallin sax ah ay bud-dhig u tahay dooraasho si cadaalada u dhacda oo aynan qolo afduuban hadhowna la isku dagaalin.

Axmed Kismaayo cadeeyay qorshaha shaqo ee hadda horyaalla Gudiga Doorashooyinka Puntland
1) Wacyi galinta dadwaynaha iyo ka dhaadhicinta nidaamka doorashooyinka hanaanka asxaabta badan
2) dib u eegista xeerarka quseeya hanaanka doorashada
3) Diinwaan gallinta ururada Siyaasadda
4) Diinwaan gallinta cod-bixiyayaasha
5) Doorashada Golayaasha deegaanka
6) ku dhawaaqista xisbiyada rasmigaa ee dalku yeelan doono

Dhegeyso Qorsha Gudiga Doorashooyinka

Hadaba arrinkaan markii aannu eegnay ayaa waxaa noo soo baxday in lagu dhaqmayo dastuurkii xukumaddii farole habkii uu ugu tala galay in ay u dhacdo hanaankii uu faroole ugu talagaley xiligaas in uu xukunka talada dalka uu dib ugu soo noqdo, oo gabigiisuba wada khiyaamo ahaa.

Waxaana meesha ka maqan habkii saxda ahaa ee shacabka loo diin waangalin lahaa.
Dastuurkii xukuumadda Faroole qodabada hanaanka doorashada xisbiyada badan waa mid si toosa looga soo miinguuriyay ama koobiyeeya hanaanka doorashada ee dastuurka maamulka Soomaaliland, oo ay isa soo tarayaan caqabado aan laga gudbi karin, sida caqabadda lagu soo koobay 3 xisbi, oo hadana ay 10 sano aynan cidi la tartamayn waa wax cajiiba oo aan caalamka dimuqraadiyadda curdinkaa isticmaala aynan ku dhaqmin waayo maraykanku xitaa kuma dhaqmo ee waxaan jirn xisbiyo awood leh ee labada xisbi la tartama laakiin cidna uma diiddo cidii xisbi furanaysa halkaan ka eeg xisbiga green party ee maraykankaa

Halkaan waxaad ka akhrisaa warbaahinta P/O oo xili hore arrinkaas toosh ku ifisay iyo cawaaqib xumada uu yeelan doono haddii aan wax laga badalin inta goori goor tahay.

Caqabadda ugu wayn waa Qodobka 46aad XISBIYADA SIYAASADEED Farqadiisa 3aad oo dhigaysa sidan —–> Saddexda urur siyaasadeed ee ugu codadka badan tartanka kowaad ee Golayaasha Deegaanka ayaa noqonaya saddexda xisbi siyaasadeed ee rasmig.iyo isla qodaobka 46aad Farqadiisa 4aad oo dhigaysa –> Labadii xilli doorasho kadibba waxaa furmaya tartanka ururada siyaasadeed.

One Response to Axmed Kismaayo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland oo aan ku darin qorshaha Gudiga Doorashooyinka Diinwaangalinta Shacabka (Dhegeyso)

  1. Pingback: Axmed Kismaayo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland oo aan ku darin qorshaha Gudiga Doorashooyinka Diinwaangalinta Shacabka (Dhegeyso) - Daily Somalia Report