Axmed Kismaayo Oo Ku Geeriyooday India (Innaa Lillaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun Daawo Waraysigiisii u danbeeyay)

Filed under: Important News,Wararka |

axmed-kismaayo

Wariye Axmed Kismaayo oo muddo dheer idaacadda BBC wakiil uga ahaa Puntland markii danbana loo doortay gudiga Doorashooyinka Puntland, ayaa la xaqiijiya in uu saakay ku geeriyooday dalka India isbitaal uu ku jiray.

Axmed Kismaayo ayaa horay loo geeyay isbitaal ku yaal Nairoobi, markii danbana loo qaaday India, balse saakay tii alle ugu timid India.

Axmed Kismaayo ayaa iskiis isaga casilay Gudigii doorashooyinka Puntland.

Illaahay ha u dambigiisa ha dhaafo, nin wanaagsan buu ahaa ee illaahay janadii ha siiyo, Soomaali oo dhan samir iyo iimmaan haka siiyo

 

Ninkii aduunyo xiisa u hayow oo ummadda xaqooda boobideeda shaqo ka dhigtayow ku dayo wanaagga axmed kismaayo, maantana isagoo aan umaddaan masaakiintaa xaqooda boobin aakhira aaday.

Wareysi Guddomiyaha Guddiga Doorashooyin Puntland Axmed Kismaayo (Video)