Axmed Madoobe oo noqday Hogaan Shacabkiisa Khudbado dhaxal galla la qaybsada (Cadaymo warbixinno)

Filed under: Important News,Wararka |

Madaxwayne Axmed Madoobe bil xaqiiqiyan hadaan la is xasdayn waa ninka ugu haldoorsan siyaasiyiinta Soomaalida ee hadda Nool.

Waxaana aad isku soo tarayay Khudbadihiisii marba marka ka danbeeya wanaag ka hadalka u badnaa iyo sida ay tahay ee saxdaa wax u sheegidda.

Axmed Madoobe ayaa Jubbaland u ballanqaday in ay Doorashadu xiliga dastuurka ku qoran oo aan wax badan ka dhimanayn ay dhacayso, taasi oo ah Geesinimo aan siyaasiyiinta Soomaalida lagu aqoon.

Axmed Madoobe ayaa Khudbad uu maalin dhawayn jeediyay ku sheegay hadalo aan abid hogaamiye Soomaaliyeed looga barran
AXmed Madoobe wuxuu yiri hadan xoolaha dadka masaakiintaa ee masuuliyadooda igu aaminay aan uruursado xaggee gaynayaa, sow godkii yaraa i sugi maayo, mase lasocataan xoolaha noocaasa ubadka lagu koriy, aa in uu Fataal noqonayo.

Hadalada kale ee Axmed madoobe ka hadlo waxaa ka mida ku dhaqanka Dastuurka

Wuxuu Axmed Madoobe aad uga hadlaa midnimada umadda Soomaaliyeed iyo sida uu u xiisaynayo in uu uga qaybqaato mar un.