Baaq Hambalyo kusocota Madaxweynaha Cusub ee Koofur Galbeed Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan

Filed under: Wararka |

BAAQ HAMBALYO IYO TAAGEERO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA MUDANE SHARIIF XASSAN SHEEKH AADAN OO KA TIMID JAALIYADA KOONFUR GALBEED OHIO
Columbus, OHIO USA : Dhamaan xubnaha ay ka kooban tahay Dalladda Guud ee Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee Columbus, Ohio ayaa waxay halkan hambalyo iyo taageero Kal iyo laab ah uga dirayaan Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Konfur galbeed ee Soomaaliyeed mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan oo lagu doortay si dimuquraadiyad iyo cadaalad ku dheehan tahay, helayna aqlibayad 373 cod oo dadka codadka bixinayay dhamaayeen 396 cod.
President South sheik shariif
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ku guulaysatey doorashaddii dhacdey 17 November 2014 waxaanu u rajeyneynaa inaad Dalka iyo dadkaba uu matelo ee Koonfur Galbeed u horseedo Horumar , Dimoqoraadiyad iyo Barwaaqo.

Haddii aanu nahay Jaaliyada Koonfur Galbeed ee Columbus Ohio si weyn ayaan usoo dhaweyneynaa doorasha Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan. Sidoo kale waxaanu halkan uga mahad celineynaa dhamaan Malaaqyada, waxgaradka, Xubnaha dhalinyarada, Guddiggii Doorashadda oo si wanaagsan u daadihinayey doorashadaaan taariiqda Soomaaliya baal dahab ah ka gashay, Culimadda iyo qaybaha kala gedisan ee bulshoweynta Koonfur Galbeed ee Guddaha iyo Dibaddaba(Qurbo-joogta.)

Waxaanu ka codsaneynaa Bulshadda ka soo jeeda Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisaba inay la shaqeeyaan gacana ka geystaan horumarka dalka iyo dadka Koonfurgalbeed. Sidoo kalena gacan iyo taageero joogta oo ku saleysan wada shaqeyn lagu dhiirageliyo madaxweynaheena koonfur Galbeed Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Waxaa halkan hambalyadaas ka diraya Dalladda Jaaliyadda Koofur Galbeed Ohio oo ka kooban Gudoonka, Golaha dhexe iyo dhamaan qaybaha kala gedisan ee Jaaliyadda Koofur Galbeed Ohio, waxaanu u rajeyneynaa dalka iyo dadka reer Koonfur Galbeed guddaha iyo dibadaba ku nool Barwaaqo, Horumar iyo dimoqoraadiyad wado wanaagsan u horseeda shacabka Koonfur Galbeed.
koonfurgalbeed
Guddoomiyaha dallada jaaliyada Koonfur Galbeed ee Ohio
Mudane Dr. Mohamed Isgowe
Kuxigeenka Kowaad Jaaliyada Koonfur Galbeed
Mudane Shariif Cali Haashim
Kixigeenka Labaad Jaaliyada Koonfur Galbeed
Mukhtar Sheekh