Baaq Ku Wajahan Xubnaha labada Aqal ee Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Baaq Ku Wajahan Xubnaha labada Aqal ee Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS)i

 

Sida la saadaalinayo waxay u badantahaya in bisha Febraayo ad soo doorataan madaxweynihii hogaamin lahaa DFS. Waa xil weyn an Ilaahayna idiinka baryayno inuu idin ku garab galo inaad u gudataan sida maslaxadu uugu jirto Ummadda Soomaaliyeed. Soomaalidu waxay tiraahdaa nin xil qaaday eed qaad.

Shakhsiga ad jagada madaxweynenimada usoo dooranaysaan iyo idinkaba waxaa idin horyaal dhibaatooyin waaweyn oo farabadan oo wadanka ka jira oo loo baahanyahay inaad wax ka qabataan:

 

Wadankii markuu xoriyada qaatay 1960 loo yaqaanay Jamhuuriyada Soomaaliya oo an maanta jirin. Waayo labadii qaybood oo u ka koobnaa qayb ka mid ah oo dhawr iyo labaatan sano ka hor ku dhawaaqday in ay gooni isku taagtay. Haddiise dawlad xumida, nidaam xumida, iyo amaan darada ka jira koonfurta an wax laga badalin, ma wayna dhici karin in qaybo kale iyaguna danaystaan oo yiraahdaan goonaan isku taagaynaa?

 

Caadifadii wadaninimada haday shalay ahayd xabagta dadka isku haysay, maanta intii hore way ka khafiifsantahay, waana ka sii khafiifaysaa haddii sidaan lagu sii jiro. Waxaa booskeedii soo buuxinaya wax la yiraahdo danaysi.  Tirada ku darsada in wadamada dariska nala ah, sida Itoobia iyo Kenya, ay rabaan in Soomaliya aynan mar danbe madaxa lasoo kicin, si ay khayraadkeedana u qaataan xisaab la’aan, danahooda kalena ka dhamaystaan madax ay iyuga meesha gaystaan oo maqaar-saar ah, oo inay la xisaabtamaan iska daaye, laga yaabo inay yiraahdaan maxaan kaloo idnku darnaa.  Sida hadda muuqata labadaas dawladood ayaa ku looltamaya shakhsiga noqonaya madaxweynaha Soomaaliya.

 

Amaan daradii laga dhaxlay burburkii ku dhacay Soomaaliya dhawr iyo labaatan sano ka hor dhaawac weyn ayay Ummadda Soomaaliyeed dhaxalsiisay. Sideedana ogaada dawlada xilka uugu horeeya uuguna muhiimsan inuu yahay sugida amniga iyo xasiloonida wadanka. Dawladii dhawaan xilku ka dhamaaday iyo kuwii ka horeeyey oo ku meel gaarka ahaana waa waxay ku fashilmeen.

 

Ciidamada wadamada an dariska nahay ee Kenya iyo Itoobia markaan niraahno anagu amnigayagii ka adkaanwaynaye idinku noo suga, maxay uuga duwantahay hadaad tiro ariya xero ku xarayso oo ad libaax, shabeel, dhurwa,iyo dawaco hor fariisiso oo ad ku tiraahdo xoolahaas ilaaliya? Uusbuuc ka dib inteebaad is leedihin xeradii waaku nabad qabaan? Dabcan Soomaliduna ari ma aha, askarta dawladaha an dariska nahayna ma ahaa duurjoog, balse macnuhu waxa weeye sida duurjoogtu aynan agab iyo arxan toona uugu ahayn xoolaha la raaciyey, yaan ciidamadaan labadaan wadan oo maanta gacanta ku haya amniga Soomaaliya aynan agab iyo arxan toona uugu ahayn danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed.

 

Dawladaha kale oo ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, balse an dariska nala ahayn,  waxaan qabaa inay daacad ka ahayd gurmadka ay usoo gurmadeen Ummadda Soomaaliyeed. Balse si kastaba ha ku dhacdee, waxaad moodaa inay isku badashay mashruuc an dhamaad lahayn. Eedana waxaa iskaleh shacabka Soomaaliyeed iyo dawladihii xukunka soo hayay. Waayo dawladihii jirayna kama faaideysan inay dhisaan ciidan qaran inta ay ciidamadaan shisheeye joogaan, shacabkuna kuma cadaadin dawladhaas in dhisaan ciidan qaran. Isku soo duub, dawlad an sugi karin amniga iyo xasiloonida dalkeeda, laguma tilmaami karo dawlad, waayo waxay ku fashilantay tiirkii uugu horeyey uuguna muhiimsanaa ee dawlad laga rabay.

 

Khayraadkii yaraa oo wadanka ku jiray, bad iyo beriba, waad ogtihiin oo shirkadaa har iyo habeen daldasha, iyadoo loo badinayo inay gacan saar la leeyihiin shakhsiyaad ka tirsan madaxda wadanka, ama ha noqdaan Dawladda Dhexe ama kuwa Dawlad goboleedyada.

 

Webigii Shabeelle waad argtaan oo waa markii labaad muddo sanad ka yar  biyihii ka gureen. Roob la’aanta iyo abaaraha jira waa macquul inay saamayn wayn ku yeeshaan, balse waxaa jiroo kale in Dawladda Itoobiya beereyn baaxadle ka wado wadankeeda oo ay biyo badan weecsatay. Haddaan la helin dawlad tayo leh oo la xisaabtanta Dawladda Itoobiya, ma dhici kartaa in beri ama saadanbe ay weecsato biyaha Wabiga Juba? Yaase ka hor istaagaya?

 

Sidoo kale waad la socotaan qulqulada ka taagan xuduuda dhanka badda Kenya iyo Somaaliya, oo dhawaan la sugayo Maxkamadda Caalamiga ah go’aankeeda. Markaad kala daadsantahay, cid waliba waa ku soo hunguriyeyneysaa.

 

Hadal iyo dhamaan, Soomaaliya marxaladda ay ku jirto waa midaan sahlanayn. Cidda laga sugayo inay samato bixiso, Ilaahay ka sokow, waa idinka, madaxweynaha ad doorataan, iyo dawladda uu soo dhiso. Shakhsiga ad madaxweyne usoo doorataan waxay intayada kale u noqonaysaa ishaaro meesha ad rabtaan inaad Soomaaliya u jihaysaan.

 

Tuusale yar balse muhiim ah, dalka Maraykanka oo ah wadan fac weyn oo inkabadan laba qarni ku dhaqmahayey nidaam dimoqraadi ah, waad aragtaan sida ninka dhawaan loo doortay inuu hogaamiyo khal khal u galiyey, oo Ameerika iska daaye caalamkii kale oo dhan khal khal ku abuuray. Marka ha dhayalsanina in hogaanka fiicanina kuna samato bixin karo kuuna horseedi karo horumar iyo wixii la xariirah, kan xumina bohol kugu tuuri kari, hadaad mid ku jirtanay mid ka sii xun kugu tuuri karo.

 

Axsaab siyaasadeed oo u looltamahaya xukunka wadanka ma jiraan. Waa shakhsiyaad waxa looltamahaya. Shaki kuma jiro inay jiraan isxulufaysiyo ku salaysan wax yaaba kala duwan.

 

Inta aadan qalinka ku duugin shakhsiga ad codkaaga siinayso, mar walba maanka ku hay maslaxadda Ummadda Soomaliyeed. Markaad qalinka ku duugaysana, oqow waa codeyn qarsoon, oo adiga iyo Ilaaha kaa sareeya og dalabkaaga.

 

Codeyntaada maanta iyo waxqabadkaaga beri markii dawladi dhismato ha ku salaysanaato soo celintii Qaranimadii Soomaaliya, sharafkii iyo karaamadii Ummadda Soomaaliyeed, soo celintii amniga iyo xasiloonida Dalka Soomaaliyeed, horumarinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya Ha noolato. Aamiin.

Abdihakim H. Hersi

Rabbow Tubta Toosan. Aamiin

Dhagaseynblog.wordpress.com

ahhersi@outlook.com

 

One Response to Baaq Ku Wajahan Xubnaha labada Aqal ee Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS)

  1. Pingback: Baaq Ku Wajahan Xubnaha labada Aqal ee Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) - Daily Somalia Report