Banaanbaxyo hareeyey magaalooyinka Boosaso iyo Qardho! (Sawirro)

Filed under: somali news |

Banaanbaxyo ay isugu yimaadeen dadweyne aad u farabadana ayaa maanta waxaa ay ka dheceen magaalooyinka waaweyn ee Boosaaso iyo Qardho, waxaana lagu taageerayey hadalkii Gen: Cadde Muuse.

Waxaa kale oo ay banaan baxayaashu ka cabanayaan in ay jiraan musuq maasuq baahsan oo hareeyey maanta Puntland iyo ciidamada oo xaqoodii lagu tumanayo, iyada oo ay tana salku hayso in ciidanka Puntland lagu khasbo in shacabkiisa furto oo dhaco xoo lahooda.

shacabka  caraysan ayaa muujiyey sida ay uga xunyihiin hanaanka uu hatan wax ku maamulayo madaxweynaha haatan xilkla haya, sidoo kalana waxaa ay kasoo horjeesteen in Puntland ay u gudbikarayso nidaamka xisbiyada badan iyo in ay doorasho suuragaltahay.

Halku dhagtagyada ay dadku ku dhawaaqayeen aya ahaa kuwo dhamaantood kasoo horjeeda Doorashooyinka golaha deegaan ee haatan ladoonayo in laqabto ayada oo aan la aqoon cidda wax dooranaysa iyo cidda ay dooranayso midna, waxaa kale oo ay ku dhawaaqayeen “DOOLAR QAATE DOONI MAYNO” oo ay ulajeedeen canshuurta Doolarka lagu qaadayo shilin soomaaligiina laga cararayo

Boorarka ugu waa weynaa ee goobta yaalay waxaa ku xar dhanayd “XISBIYO MARAIN HABOWSAN DOONI MAYNO” taas oo ka turjumaysa in aysan diyaar u ahayn in ay haatan doorasho u dareeraan, aysan aqoon waxa uu madaxweynuhu uga dan leeyahay howsha doorashooyinka indhaha la’a. 

Ciidanka magaaladda Boosaaso ayaa Waxaa ay isticmaaleen RASAAS si ay dadka u kala cayriyaan iyaga oo walina ay kaabayeen ciidamo Saarisan kasocday oo oo aan shacabka wa turimaad ah u samaynayn.

Daawo sawirro.

IMG_0171 IMG_0172 IMG_0175 IMG_0180 IMG_0184 IMG_0186 IMG_0191 IMG_0199 IMG_0204 IMG_0214 IMG_01742 (1) IMG_01742 IMG_01822 IMG_01972

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>