Bangiga Adduunka Ayaa Sheegey in Qaxootiga iyo kooytooyda Dhaqaalaha Adduunku Faa’ido ugu Jirto

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Bangiga Adduunka Ayaa Sheegey in Qaxootiga iyo kooytooyda Dhaqaalaha Adduunku Faa’ido ugu Jirto

Waxaa muddooyinkan dambe laga hadlayay saameeynta qaxootida iyo soo-galootida. Bangiga Adduunka (World Bank) ayaa aamminsan in qaxootida iyo soo-galootiduba ay faa’iido ugu jirto dhaqaalaha dunida. Warbixin bangigu soo saaray dhammaadkii sannaddii 2015kii oo lagu magacaabo isbeddelka da’aadda dadka (Demographic Change) ayaa sidaas qortay. Warbixintan ayaa lagu soo beegey kulan sannadle ah oo ay yeesheen Bangiga Adduunka iyo hay’ada hannaanka lacagta dunida u qaabbilsan IMF (International Monetary Fund), kaas oo ka dhacay magaalada Lima, caasimadda dalka Peru. Bangiga Adduunka ayaa qaba in soo-galootida iyo qaxootiduba horumarinayaan dhaqaalaha dunida tobannaanka sano ee soo socda.

 

Warbixintu waxay xustay in hadda hannaanka uu u socdo qaxootida iyo soo-galootidu ay qaabeeyn karto horumarka dhaqaalaha dunida muddada tobannaanka sannadood soo socda, in kastoo ay warbixintu xustay in ay jiri karto caqabado, haddana waxay furaysaa jid lagu soo afjari karo saboolnimada ba’an iyo in la wadaago barwaaqada dunida.

 

War murtiyeed ka soo baxay madaxweynaha Bangiga Adduunka, Mudane Jim Yong Kim, ayaa lagu sheegey in lagu jiro xilli uu isbeddeley da’da dadka taas oo keeni karta koritaan dhaqaale waase haddii siyaasado sax ah lala yimaado iyo haddii dalalka dadkoodu gaboobayaan ay abuuraan waddo qaxootida iyo soo-galootidu kaga qaybgalaan dhaqaalaha. Waxa markaas imanaysa in cid kasta faa’iddo.

 

Badi caddeeynta la hayo waxay tilmaamaysaa in qaxootida iyo soo-galootiduba ay yihiin dad shaqeeya oo hawlkar ah iyo in canshuurta laga qaado ka badan tahay adeegga bulsho ay helaan. Tusaale lacagaha dawladaha reer galbeedka, gaar ahaan kuwa Midowga Yurub siiyaan dadka aan haysan dakhli, kharashka caafimaadka oo bilaash ah, waxbarasho bilaash ah, iwm.

 

Kim ayaa maqaal uu ku qoray jariidadda Washington Post bishii Oktoobar 2015kii, wuxuu kaga hadlay in isaga oo soo-galooti ahaa yimid Maraykanka sannaddii 1964kii uuna ka yimid dalka Kuuriyada Koofureed. Wuxuu Kim sheegey in waagaas dalkiisu ahaa sabool soo koraya, kaas oo khubarrada dhaqaalaha badankood, ku jiraan kuwa Bangiga Adduunka, ka saareen liiska, maadaama qiimeeyeenta rajada koritaanka dhaqaale ee dalkiisu yar tahay. Kim wuxuu hadalkiisa ku daray in qaxootida iyo soo-galootida ku jirto faa’iidooyin dhaqaale iyo mid bini’aadannimo oo weyn. Waxaa Madaxweynaha Bangiga Adduunku sheegey in waddammada soo dhoweeya qaxootida iyo soo-galootida isla markaana gacan caawimaad u fidiya waddammada kale ee martigeliyay qaxooti iyo soo-galooti si awood ugu yeeshaan la tacaaliddooda ayaa wax wannaagsan u sameeynaya bini’aadan inala mid ah oo dhibaateeysan iyo dhaqaalaha dunida.

 

Yaasiin Cabdullaahi Faash

yaasiin-faash-qalaad

One Response to Bangiga Adduunka Ayaa Sheegey in Qaxootiga iyo kooytooyda Dhaqaalaha Adduunku Faa’ido ugu Jirto

  1. Pingback: Bangiga Adduunka Ayaa Sheegey in Qaxootiga iyo kooytooyda Dhaqaalaha Adduunku Faa’ido ugu Jirto - Daily Somalia Report