Bariga Dhexe Iyo Siyaasiyiinta Somaliyeed.

Filed under: Important News,Wararka |

vote for your puppet

Ciyaarta ka socota bariga dhexe oo lagu baabi’yay wadamada Ciraaq, Syria, Yemen, Libya, Lubnaan, Qaska ugu waynna uu hadda ka socda Masar.

Soomaaliya oo 41 sano xabadi ku socotay, ama iyadu ha isku muddo qodaxda ama dawlado shisheeye ha ku muddeen, in maanta bariga dhexe qaska kasocda oo meeshii ugu danbaysay maraya in ay Soomaaliya qiiqaas ku riixaan niman siyaasiina waa nasiib darro wayn.

Dadka Soomaaliyeed wax dhibaato ah oo ay Masar ugaysteen, ama Sacuudiga u gaysteen, ama imaaraadka u gaysteen ma ay jidho, Qadarna waa sidaas si la mida.

Saaxiibtinimada wadamadaas nagala dhaxaysa waa in lasii wado oo aynan Soomaaliya dhibkaas qayb ka noqonnin,

Waxaan waydiinayaaa siyaasiyiinta meelo badan ka qaylinahaya ?, hebel baan nebcahay ee ila nebcow ama hebel baan jeclahaye ila jeclow meesha ay siyaasadda kaga qorrantahay.

Waa dhammaaday waqtigii  dammiirka iyo sharafta Soomaalida la iibsanjirray waa dhammaaday.

Waxaan dadka Soomaaliyeed iyo labada aqal ee baarlamaanka iyo maamulgobaleedyada  kula talinaynaa in DFS iyo go’aankii ay qaadatay la daba istaaggo.

Waxaan kaloo dawladda Soomaaliyeed u sheegaynaa in duullaan wayn uu ku soosocdo, oo lasoo hawlgalliyay nimankii wahaabiyadda oo ay dhoobanyihiin xafiisyada dawladda iyo maamulgoballeedyada, arrinkaas waxaa la rabaa dawladdu in ay ka digtoonaato.

 

Fiiro gaara. 

Midnimadu waa xoog, xooguna waa guul.

umadda Soomaaliyeed hadday maallin walba is haystaan, innakuna waxba noqonmayno, adduunkana waxba ka noqon mayno, ummad ka hartay caalamkaan  noqonaynaa.

Labada Gole ee iyo xukuumadda iyo maamulgobaleedyadaba qofkii ku simbiriiraxda siyaasadda in lagala laabto kalsoonida oo micnaheedu tahay xasaanadda in laga qaaddo.

Qor Warsame Axmed.

 

 

 

One Response to Bariga Dhexe Iyo Siyaasiyiinta Somaliyeed.