Barnaamijaka Suuqa Ganacsiga Aduunka (Maanta Waxaan Ku Eegaynaa Shirkadda Diyaaradda Qatar Airways Oo Dakhligeeda Sanadle Kabadanyahay 150 Jeer Waxa Soomaali Oo Dhan Dibadda U Iibgeeyaan sanadkii )

Filed under: Important News,News in English,Wararka |

Qatar Air Revinue

Waa barnaamij aan ugu talagalnay in ay bulshada Soomaaliyeed indhahooda ku eegaan sida caalamku u kala macaashayo, iyo xigmad la’aanta bulsahda Soomaalida oo caqligoodu uu noqday kaliya in ay isku mashquulaan dhexdooda oo is xasdaan oo is dulmiyaan.

Marka fadlan indhihaaga ka leexi walaalkaaga Soomaaligaa oo aduunkii maanta wuu isku furmay ee indhahaaga ku eeg aduunka kale.

Maanta waxaan ku eegaynaa in shirkadda diyaaradaha ee Qatar airways lacagta ay sanadkii isticmaasho ay ka badantahay 150 jeer lacagta Soomaali ku iibshaan wixii ay Soomaali oo dhan sanadkaas dibadda u iibgeeyeen

Shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa sanadkii 2016 waxay faa-iiday 3 billion kolkii ay shrkaddu celcelisay aduun lacagaeed oo dhan 35,6 billion. halkaan ka eeg warbixintaas

Sanadkii 2015-kii Bulshada Soomaaliyeed waxay dibadda u iibgeeyeen aduun dhan nus billion$ oo la qiima ah 150 jeer wax ka qiimayar kharashaadkii shirkadda diyaaradaha Qatar airways sanadkii 2016 ay isticmaashay.

Nus billionka ay Soomaali dibadda u iibgaysay ma ahan lacagtii ay Soomaali ka faa-iideen wixii ay dhoofsheen, oo isla sanadkaas waxay Soomaali aduunka kale ka soo iibsadeen aduun dhan 2.12 billion$, taasi oo ka dhigan in ay Soomaali khasaartay 1,57 billion$, waayo tusaale hadaad funaanado  ka ganacsato oo aad 1000 dollar kusoo iibsato dharkii waaraadka ahaa ee aad funaanahda ka tolilahyd, kolkaas aad 100 funaanadood waaraadkii ka samayso oo aad iibiso 100 kii funaanadood oo aad ku iibiso lacag dhan 250$, waxaad khasaartay 750$, waayo haday kun kaa gashay wixii aad iibisay balse aad kaliya ku iibisay 250$ waad khasaartay, ganacsiga Soomaaliduna saas ayuu ka dhiganyahay mar hadday nus billion$ ku iibsheen wixii ay Soomaali dibadda u iibgaysay, halka ay ay 2 billion$ alaabaad kusoo iibsadeen Soomaaliya oo dhan..

Halkaan ka eeg warbixinta Qanacsiga Soomaaliya

xasuus 1 billion waa 1000 million$.

 

 

Hees wadaniya oo Soomaalida aan ku wacyigalinayn dagaal ee ku wacyigalaynaysa in ay muruqa iyo miskaxda maalaan.

 

Ibrahin Gablax

Qaybta wacyigalinta Puntlandobserver.com