Barnaamijka Murtida Maanta ee P/O Ka Baxa Iyo Muhiimaddiisa

Filed under: Important News,Wararka |

Barnaamijka Murtida Maanta ee inta badan maalinlaha lowgu soo daabaco P/O waa barnaamij wacyigallineed oo bulshada lowgu tilmaamayo hadaladii xigmadda wacyigallineed xambaarsanaa ee ay dadkii caqliga badnaa ee adduunka ku soo noolaa kumanaan sano bulshadoodii la soo wadaageen.

 

Hal eray ayaa u qalma 50 sano oo waayo arragnimo ah.

Tusaale xigmaddii ay xambaarsanayd Murtida Maanta ee shalay ka baxday P/O waa dhawr eray oo u qalma 1000 sano oo waayo arranimo ah.

Halkaan ka eeg —>

Habka koowaad ee waxgaradnimada hoggaamiye lagu qiimeeyo waa dhugmo-u-yeelashada dadka uu isku hareereeyey.

Waa run oo Hogaamiyaha raba in uu guul gaarsiiyo umadda masiirkooda u dhiibatay wuxuu xushaa dadka illaahay kartida u siiyay in wax la dhiso.

 

Laakiin hogaamiyaha ama lagu lammaanyahay ama doonaya in uu wax is daba mariyo wuxuu xushaa kuwa aan wax garadka ahaydn si uu uga danaysto.

Hogaamiyahaasna waxba isna uma hagaagaan waayo ma aannu xulan kuwii kartida u lahaa in wax la dhiso.