BAROORDIIQ

Filed under: Aqoon-kororsi,Wararka |

BAROORDIIQ

Maxamed Abshir Walde

Maxamed Abshir Walde

 

BAROORDIIQ

Anigoo ah Danjire Cabdirashiid Aadan Seed, Safiirka Wareega ee Jamhuuriyadda Fedraaliga Soomaaliya, laga soo billaabo 2005tii, waxaan jeclahay in aan halkan ku soo koobo taarikh-nololeedkii saaxiibkay, marxuum Maxamed Yuusuf Abshir Walde, 5tii Maarso 2016ka Nayroobi, Kiinya, ku geeriyooday. Waxaa Lixdii Maarso isla sannadkan lagu aasay qabuuraha Muslimka ee Nayroobi. Eebbe haw naxariisto, xigtadii iyo xigaalkii uu ka tegeyna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo!

Wuxuu Maxamed Abshir Walde ku dhashay Gobolka Nugaal, sannadkii 1938kii. Waxbarashadiisii hoose-dhexe-sare wuxuu ku qaatay waddammada Soomaaliya, Kiinya, Ingiriiska iyo tii ugu sarreesey oo shahaadada MA dhinaca saxaafadda ka qaatay Jaamacadda Columbia University ee New York, Maraykanka, sannadkii 1968kii. Muddadii uu waxbarashada u joogay USA, waxaa uu ka shaqeeyey Xafiiska Warfaafinta ee Qarammada Midoobay [UN] ee New York. Wuxuu ahaa ruugcaddaa warfaafineed, siyaasadeed, ganacsi iyo dhinacyo kaloo bulshada caalamka wax ku soo kordhiyey, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed tan iyo 1960kii, kolkii Soomaali xorriyad dhan heshey.

Wuxuu Walde ka soo shaqeeyey horraantii 1960dii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Caalamka oo ahayd aaladdii ama idaacaddii ugu af dheerayd ee dunida tan iyo Dagaalkii Labaad ee Dunida, gaar ahaan kolkii uu aad u socday Dagaalkii Qaboobaa [The Cold War], sannadihii lixdameeyada.

Maxamed Abshir Walde waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa aabbihii kor u qaaday idaacadda Codka Soomaaliya sannadiihii xorriyadda kaddib. Wuxuu horseed u ahaa hagaajinta iyo korinta tayada raadiyayaasha Soomaaliyada Cusub codadkeeda ku hadla Raadiyo Mugdisho iyo Raadiyo Hargeysa.

Kolka laga soo tago dejinta iyo maareeynta barnaamijyada kala dudduwan ee ka baxayay idaacadaha Soomaaliyeed ee Mudane Walde isku-dubbaridayay, waxay u horseedday in la shaqaaleeyo dhallinyaro cusub oo firfircoon oo kaalin mug leh ka ciyaaray idaacadaha Soomaaliyeed iyo xitaa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Waxaa ka mid ahaa shaqaalihii ugu tayada wanaagsanaa ee Mudane Walde ku soo kordhiyey warfaafinta Soomaalida sannadkii 1966kii, gaar ahaan tebinta wararka iyo barnaamijyada: 1. Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde 2. Axmed Cali Askar 3. Cabdullaahi Sheegow 4. Maxamed Cali Shiriye iyo qaar kale oo loo qaatay farsamayaqaanno iyo maareeynta guud ee warbaahinta qarankii cusbaa. Tababbaro dibedaha ah ayaa wariyayaal badan loogu direy sida: dalkii loo yiqiin Jarmalka Galbeed, Ingiriiska oo BBC-du fadhiday, Masar, Talyaaniga iyo Midowgii Sofiyeeti [USSR].

Sidoo kale, Maxamed Abshir Walde wuxuu sii waday kuu soo darid dhiig cusub oo ka qaybqaata tayeeynta iyo ballaarinta warbaahinta Soomaaliyeed oo uu u arkayay in ay tahay halka keliya ee dadka Soomaaliyeed oo u badnaa xilligaas reer guuraa, laga wacyiggelin karay laguna ilaalin karay sharaftooda, isla markaana lagu xakameeyn karay dawaladihii tabarta yaraa ee rayidka ahaa ee Soomaaliya maammulayay 1960-1969.

Waxaa ka mid ahaa racii labaad ee ku soo biiray warbaahinta, gaar ahaan, Raadiyaha Codka Soomaaliya, siyaasi Axmed Ismaaciil Samatar iyo wariye Saciid Caddaani oo wax weyn ku soo kordhiyey idaacadaha Soomaalida iyo Laanta Afka Soomaalida ee BBC-da. Sidoo kale, kooxo badan oo fanka iyo sugaanta ku jirey oo la qarameeyey oo loo yeeley qaab habaysan.

Kolkii ciidammada Soomaaliya talada la wareegeen 1969kii, Maxamed Abshir Walde waxaa ku adkaatay in uu shaqadiisii sii wado, waxaanu iska casilay shaqadii, dabadeedna wuxuu billaabay ganacsi kooban oo markii uu isna la jaanqaadi waayay nidaamkii hantiwadaagga lagu sheegayay ee militarigu ku soo rogey Soomaaliya, ay kolkaa ku khasbanaatay inuu magangelyo u dego dalka Jabuuti, halkaas oo ugu dambeeyntii, isaga iyo rag badan oo warfaafinta ay saaxiibbo ku ahaayeen oo ku noolaa dalka iyo dibeddiisa ay talo ku qaateen asaasidda Raadiyo ka madax bannaan midka kacaanka Soomaaliya.

Bishii Febraayo 8dii, 1979kii, Maxamed Abshir Walde iyo asxaabtiisii warfaafinta ee Raadiyo Muqdisho, Raadiyo Hargeysa iyo BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga, waxay qayb ka qaateen soo bixitaankii RAADIYO KULMIS, codkii Xisbigii Mucaaradka Soomaalida ugu horreeyey ee Ururka Badbaadada Soomaaliya [Somali Salvation Front – SSF] ama SOSAF.

Waxaa madax xisbiga looga dhigey wariye Mustafe Xaaji Nuur oo Soomaaliya iyo BBC-da caan ka ahaa. Raadiyo Kulmis-na wariyayaashiisa waxaa ka mid ahaa Saleebaan Daahir Afqarshe oo isna ahaa wariye caan ka ahaa Soomaaliya iyo BBC-daba. Wuxuu Walde ahaa maskaxdii Raadiyo Kulmis ka dambeeysey oo rag wariyaal caan ah iyo gabdhaba ay ku biiraan sida: 1. Cabdullaahi Xaaji Cilmi, 2. Gacayte Cabdille Codweyn, 3. Cabdulqaadir Faarax Bootaan, 4. Bashiir Bootaan Cilmi Gurey 5.Hodan Jaamac Aammusane, 6. Cabdirashiid Aadan Seed “Qoor”. Dhanka fanka iyo suugaantana waxaa qayb ka qaatay 1. Khaliif Shiikh Maxamuud, 2.Maxamed Mooge Liibaan, 3. Cismaan Diriye Kulane, 4. Axmed Aw-Cabdi Ceelaabe “Barkhadle”, 5. Xasan Daahir Khalaf, 6. Xirsi Magan Ciise, 7.Maxamed Cali Walash, 8. Maxamuud Shire Farey, 9. Maxamed Maxamuud Kastam iyo xagga Diinta 10. Shiikh Cabdullaahi Macallin Cabdiraxmaan.

Kolkii ururkii SSF, uu la midoobay laba xisbi oo kala ahaa SDLF iyo SPWP sannadkii 1981kii, oo ururradii bohoobay ay la baxeen magaca SSDF, waxaa Maxamed Walde iyo asxaabtiisii sii wadeen tayeeynta iyo helitaanka rag iyo gabdho Soomaaliyeed oo ka qayb qaata baahinta wararka xaqiiqda iyo ka-run-sheegidda geyiga Soomaaliya oo daruufo halis ah soo foodsaartay una muuqatay in Soomaaliya ay kala daadan doonto xilligaas.

Wariyaashaas cusub waxaa ka mid ahaa 1. Cabdi-Mahdi Axmed Warsame “Mahdi Dheere”, 2. Maxamed Cali Xasan “Alto”, 3. Maxamuud Cigaal Caymo “Iraad”, 4. Fowsiyo Jaamac Geyre, 5. Suweys Yaasiin Shiikh Cismaan iyo 6. Maxamed Cali Dheere. Dhanka suugaantana waxaa Raadiyo Kulmis ku soo biiray Abwaankii caanka ahaa Cabdi Muxumud Ammiin. Kolkii 1982kii, SSDF iyo SNM ay heshiis iskaashi kala saxiixdeen in ay ku mucaaradaan taliskii militari ee Soomaaliya, waxay Raadiyo Kulmis u bixiyeen mar kale Raadiyo Halgan, waxaana Maxamed Abshir Walde ka qaybqaatay qaabeeynta Raadiyaha Cusub iyo sidii isula jaanqaadi lahaayeen shaqaale ka soo kala jeeda labo urur, SSDF iyo SNM, oo mucaarad ku ahaa xukuumaddii militariga ah ee Muqdisho ka jirtey.

Waxaa Raadiyo Halgan ku soo biiray oo ku hadlayay Codka Mucaaradka Soomaalida oo dhan wariyaal kale sida: 1. Mijir Qaaddi Maxamuud, 2. Maxamed Ismaaciil “Diktoor”, 3. Maxamed Baashe Xaaji Xasan, 4. Cali Mijir Qaaddi, 5. Cabdi Faarax Juxa, 6. Xiif Cali Taar iyo qaar kale. Dhanka sugaantana waxaa qayb xoog leh ku soo biiriyey 1. Maxamed Ibraahin Warsame “Hadrawi”, 2. Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, 3.Rashiid Shiikh Cabdillaahi “Rashiid-Gadhweyne”, 4. Faarax Gammuute, 5. Axmed Maxamed Good -Shimbir iyo qaar kale.

Oktoobar 13dii 1985, kolkii Khilaaf dhexmaray xukuumaddii Mengistu ee Itoobiya iyo SSDF, ayaa la xirxiray hoggaamihii SSDF, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo kaaliyihiisii Cabdullaahi Maxamed Xasan “Faash”. Ururkii SSDF wuxuu si ku-meel-gaar ah oo 4 bilood ah u doortay Maxamed Abshir Walde oo isaguna xilkii ku wareejiyey Dr. Xasan Cali Mire oo si rasimi ah Jan. 1986kii loo doortay muddo 2 sannadood ah in uu SSDF hoggaamiyo.

Kolkii dawladdii militariga ahayd ee muddada 21 sannadood kaddib burburtay, Somaliyana ay gashay qalalaaso iyo degaanasho la’aan, Maxamed Abshir Walde iyo saaxiibbadiisii kale oo gudaha Soomaaliya iyo dibaddeeda ku noolaa waxay ka shaqeeyeen sidii Soomaali loogu heli lahaa hab ay ku hanato sharafteedii iyo dawladnimadeedii. Waxaa Maxamed Abshir Walde xoog saaray dhulkii ay SSDF ka talinaysay ee Waqooyi-Bari Soomaaliya. Ugu dambeeyntiina, waxaa Mudane Walde iyo asxaabtiisii ku guuleeysteen asaasiddii PUNTLAND ee 1da Agoosto 1998kii. Taasi waxay u noqotay sal ballaaran soo-bixitaankii iyo dhalashii dawlad wadaag ah oo hannaan federaal ah leh, Soomaaliyana ka ambaqaadda.

Aniga iyo Maxamed Abshir Walde waxaannu ahayn saaxiibbo gaar ah muddo 38 sannadood ah. Waxaannu ka wada shaqeeynnay hawllo badan oo khuseeya Puntland gaar ahaan iyo Soomaaliya guud ahaan.

Waxaan jeclahay in aan murugada la wadaago xaaskiisa Faa’isa Cabdalle, carruurtiisa iyo asxaabtiisa kala duwaneyd iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba.

Allaha u naxariisto, innaga Eebbe samir haynnaga siiyo!

AAMMIIN!

Qore: Danjire Cabdirashiid Aadan Seed ”Qoor”

E-mail: koshintayak@live.co.uk

 

2 Responses to BAROORDIIQ

  1. Pingback: BAROORDIIQ - Daily Somalia Report

  2. Pingback: buy dofollow web 2.0 profile backlinks