Barre Buluf, Samigiis Barre Hiraale Iyo Garta Jubbaland

Filed under: Wararka |

Barre Buluf, Samigiis Barre Hiraale Iyo Garta Jubbaland

Xaji Barre “Buluf” (AUN) waxaa uu ahaa nin ay kasi karaan dadka loo yaqaano “reer Kismaayoodkii hore” qabiilkay rabaan Soomaali ha ka ahaadaane. Sidoo kale, waxaa fahmi kara macnaha naanaystiisa “Buluf” qofkii reer Kismaayo ahaa intii aysan dhalan dowladii meliteriga ahayd ee la riday sanadkii 1990kii. Barre Buluf iyo naanaystiisa oo caan ku ah Kismaayo, laga bilaabo Jilib ilaa iyo Libio-Soomaaliya, loona yaqaan Libio-Dhoobley oo ku taala xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Photo: Isma. www.puntlandobserver.com  - your source of the Somali news that matters.

Photo: Isma.
www.puntlandobserver.com – your source of the Somali news that matters.

Aqristow aan u soo noqdo qoraalka dulucdiisa, reer Kismaayoodkii hore, Soomaali qabiilkay doonaan haka ahaadeene, waxay is waydiinayaan markii uu Barre Buluf iyo jiilkii jirey waqtigii uu noolaa ay beeraha galayda ka falanayeen agagaarka barta uu ku yaal YAAQA wayn ee afka Kibaajuunigana oo Swahiliga u dhow lagu yiraahdo “Sa’a Moja”, xaguu Barre Hiiraale GEELOODA ku raacaayey?

Sidoo kale, waxay dadkaas aan kor ku xusay iswadiiyaan markii Barre Buluf iyo jiilkii jirey waqtigii uu noolaa (AUN) lo’cadaydoodii, lo’gaduudeydoodii, lo’dodii ee shagaarka iyo buraaga iskugu jirtey ay daaqeysey deegaanada caanka ku ah Jubbada Hoose sida: DHASHEEG WAAMO, GOSHA, JOORAA, KAFARKA IYO WAYAANTA, Barre Hiiraale GEELOODA mawuusan ahayn midkii daaqayey GALGADUUD iyo ka kor oo ah halka uu Barre Hiraale ku dhashay? Jawaabaga su’aalahaa waa kuwa cad, oo uu Barre Hiraale isagaba og’yahay in aan Kismaayo wax u oolin.

Run ahaantii, waxaa igu dhiiri geliyey in aan idinla qaybsado taariikhda awoowgey Xaaji Barre Buluf (AUN), ka dib markii aan ka dareemay QurboJoogta reer Kismaayoodka ee waqooyiga America degan, oo ay ka mid yihiin faraciisa, in ay aaminsan yihiin in qofka raba in uu Kismaayo arimaheeda kala xaajoodo Barre Hiraale iyo kuwa la socda, iyaga naftooda aysan ahayn reer Kismaayo ama aqoon saas usii ridan aysan u lahayn Kismaayo, sababtoo ah, Barre Hiraale meeshii uu ku dhashey, kuna korey waa “Galguduud” oo ay waqtigaan xaadirka ah GEELOODA daaqayo ama ku sugan yahay.

Marka, maamul u samaynta Jubbaland waxa uga horeeya Barre Hiraale dadka taariikh ahaan ku abtirsada Waamo, isticmaarkiina uu ugu yimid Waamo, deganaana waqtigii Soomaaliya xornimada qaadatey iyo kuwii ku soo qaxay ee aan dhiig ku daadin, qabiilkay rabaan Soomaali ha ka ahaadaane. Waxaan la hubaa in Xaaji Barre “Buluf” (AUN) uu gartanaan soo noqnoqotey ku go’yn lahaa si nadhaam leh: intuu labadii go ee uu caanka ku ahaa intii uu noolaa soo xirto, ahna labis hido iyo dhaqan u ahaa Soomaali oo dhana ilaa Koonfur, Waqooyi, Bari iyo Galbeedba, asagoon sidii reer Waamahii oran “GARTA HELI OKE HA LOO GEEYO”, ayuu Barre Hiraale ku oranlahaa oraahdaan “samigayow ku noqo meeshii aad ka timi iyo GALGADUUD”.

Waxaa taariikhda Xaaji Barre “Buluf” (AUN) idiin soo gudbiyey Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo uu awoowe u yahay Xaaji Barre “Buluf” (AUN) laftiisa oo waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana Magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com.

One Response to Barre Buluf, Samigiis Barre Hiraale Iyo Garta Jubbaland