Barre Hiiraalaha Puntland Mudane Dagaal Ooge Gallan (Akhri Qoraal aan Barre Hiiraale siduu Dhalinta Nolasha Uga rido ka qornay 2 sano ka hor oo hadda ku socda Gallan)

Filed under: Aqoon-kororsi,Important News,Wararka |

Akhri qormadii aan laba sano ka hor ka qornay Barre Hiiraale: Dhagayso: Barre Hiiraale waraysi siiyay Voa, nabadna diiday (warbixin kooban mala joogaa xiligii dhalin yaradu iskala xisaabtami lahayd odayaasha dagaal oogayaashaa oo dhalinyarda mustaqbalka kadila oo ku kalifa dhalinyarada in ay tahriibaan)

Dhulka Soomaalida waa dhulka aduunka ugu qanisan, laakiin waxaa soomaaliya halkaas dhigay damac shakhsi dan gooniya leh, iyo in uu shakhsigaas danta goonidaa leh isagoo taageero ka heleya gacmo shisheeye uu bulshadii isticaalo isagoo ka faa-iidaysanaya nidaam darada dawladeed ee madaxda la doortay ay wax u maamulaan.

Dambiile dagaal ooge Gallan maanta dhalinyardii yaryarayd iyo haweenkii buu xabad ku raray oo wuxuu u dhiibay wax qof bini aadana lowgu deeqo waxa ugu xun taasi oo ah colaad iyo qori qaado.

Maanta haddii uu furi lahaa iskuul lagu barto farsamada iyo xirfadda oo dhalin-yarada uu maanta qoryaha ku raray uu taclin bari lahaa waxay ahaan lahaayeen mustaqbalka ugu wanaagsan ee shacabka Soomaalida, laakiin lacag lagu qiyaasay illaa 20$ million$ ayuu ku kharash garaynayaa in uu dhalinyardii xabad iyo qori iyo fawdo ku raro.

Wuxuu model u noqonayaa in ay ku daydaan bulshada Soomaalida oo kii jago laga qaadaba uu aruursado dhalinyarada beeshiisa isago ka dhaadhicinaya in ay beeshu dulmantahay.

Haddii uu Gudoomiyaha Gobalka bari kasoo jeedo isla beesha dagaal ooge Gallan oo dagaal qaaday markii jagadaas laga qaaday, hadana wasiirka arrimaha dibadda ee Puntland uu kasoo jeedo isla beesha Gallan, hadana ganacsiga ugu xajmiga wayn ay Puntland ku haystaan isla beesha Gallan.

Haddiise caqliga Gallan la dhagaysto oo la yiraahdo beesha Maxamuud Saleebaan baa ka sad bursatay beesha Cali Saleebaan, horta sow laba oday oo walaalo ah ma ahan maxamuud iyo cali, maxaad adigoo Gallan ah aad u kala xigsanaysaa labada babdhooda ee kasoo jeeda faraca labadaas oday alle ha u naxariistee.

Sheekadu saas ma ahann ee Gallan waa ajansi u shaqeeya ururada argagixisada oo doonaya in uu ku soo gabado fikir qabyaaladeed oo horey ay gacma shisheeye ku burburiyeen dalkaan iyagoo isticmaalaya shakhsiyaad sida dagaal ooge Gallan oo kale ah.

Haddiise ay daacad ka tahay in Puntland laga sameeyo isbadal, isbadalku waa in uu ahaado mid bulshada oo dhan ay ku midaysan yihiin sida dhalinyrada ururka suxufiyiinta Map oo si guud fikirkooda ugu mideeyay in sharciga puntland uu cid walba ka sareeyo oo uu yahay muqadis.

Laakiin fikirka dagaal oogge Gallan iyo qabyaalad iyo dhalinyaro masaakiina oo xabadda la isugu dhiibayo, fikirkaas waa fikir ay hadda soomaali fahantay.

Waa fikirka ay hadda dhalinyarada Muqdisho macaa fahmeen oo aan laga iibin karin, Gallan malaha qolooyin aan caalamka iyo facebuugga la socon baa la talisa.

Wixii aan qaladnay raali gallin wax sixid bay naga ahayd

Puntlandobserver desk

3 Responses to Barre Hiiraalaha Puntland Mudane Dagaal Ooge Gallan (Akhri Qoraal aan Barre Hiiraale siduu Dhalinta Nolasha Uga rido ka qornay 2 sano ka hor oo hadda ku socda Gallan)

  1. Pingback: Barre Hiiraalaha Puntland Mudane Dagaal Ooge Gallan (Akhri Qoraal aan Barre Hiiraale siduu Dhalinta Nolasha Uga rido ka qornay 2 sano ka hor oo hadda ku socda Gallan) - Daily Somalia Report