Beelaha Hawiye oo ku fadeexoobay barakicintii Beelaha Direed ee deegaanadooda laga barakiciyay (VIDEO)

Filed under: Wararka |

Beelaha Soomaalida ayaa waxaa marwalba ay aad isaga xilsaaraan illaalinta xuquuqda Beelaha laga tirada badan yahay ee la dega. Waxaana ay warbaahinta Puntlandobserver ay billaabi doontaa soo tabinta xuquuqda beelaha laga tirada badantahay ee dega Soomaaliland, Puntland, iyo dhamaan Koonfirta Somalia.

Inta Badan indheergaradka Shacabka Soomaalida ayaad mooddaa in ay aad u illaaliyaan beelaha laga tirada badanyahay ee ay oodwadaagga yihiin, waana halka laga qadariyo DUNWANAAGGA BEESHA, waayo beeluhu waa ay ku faanaan kartida iyo horumarka ay gaaraan beelaha ood wadaagga la ah ee laga tirada badan yahay.

waxaana kamid ah, Beesha Direed ee Puntland oo xuquuqdooda meelaha ay degaan si gooniya la isaga xilsaaro

Degmada tawfiiq waxaa dega Dirta Gobalka Mudug.

Dhanka kalena waxay FADEEXAD WAYN KU AHAYD BEESHA HAWIYE SIDII AY U BARAKICIYEEN BEELAHA DIREED EE DEEGAANADA MARKA IYO HIIRAAN KU NOOL BALSE AWOODDA DAWLADA IYO MIDA BEESHA HAWIYE DEEGAANADOODII LOOGA BARAKICIYAY.

Beesha Hawiye waxay ahayd waxgaradkooda iyo saxaafadooduba in ay xil iska saaraan arrinkaas IYO ILLAALINTA XUQUUQDA BEELAHA SOOMAALIYEED EE LAGA TIRADA BADANYAHAY EE BEESHA OOD WADAAGA LA AH oo runtii ku ah FADEEXAD WAYN DHAMAAN BEELAHA HAWIYE.

Daawo Beesha Fiqi Shini ee Habargidir ee Degta Degmada Adhicaddeeye ee 20 km Laascaanood u jirta