Beelaha Sacad oo aan fahmin shaxda ay Beelaha cadaado iyo Guriceel u ciyaarayaan si dagaal loo galiyo

Filed under: Important News,Wararka |

Inta danbe ayaa waxaa soo badanaya in Beelaha walaahaha ahi ay qudhoodu isku ciyaarax shax ay beel walba ku doonayso in ay haadaan ka tuurto beesha ay walaalaha yihiin si ay markaas u noqdaan maato iyaga hoos yimaada.

Beelaha Cadaado iyo Guriceel ayaa Haadaan khatar ah la damacsan Beesha Sacad ee ay walaalaha yihiin, haadaantaas oo ah mid la doonayo in inta colaad la dhex dhigo iyaga iyo beelaha ay dariska yihiin hadhow looga baxo.

Inta badan marka ay meel colaadi ka dhacdo, waxay saamaysaa beelaha Goobtaas degan, waxaana laga yaabaa beelaha kala ee ay beeshaas walaaha yihiin in aynan wax gurmad ah u fidin

Arrinka sheegashada deegaanada Puntland waa arrin siyaabo kala gadisan Colaado ugu abuuri kara Beesha Xuduudda Puntland xigta ee Sacad.

Colaadda ayaa ah waxyaalaha ugu xun ee umad meel degan ka reeba umadaha la midkaa ee nabadda haysta, waxaana intaa dheer in dad badani aakhiradooda iyo aduunkooda ku seegaan, isla markaana uu ku dhaco barakac, aanno qabiil, dhaqaalo daro, iyo dhamaan waxyaalaha ugu xun ee ay umadi lasoo daristo.

Waxaanan xasuusanaa in Beesha sacad ay u adkaysan wayday colaaddii beelaha direed.

Maamulka Puntland iyo shacabka Puntland ayaa aad iyo aad uga caraysan sheegashada deegaanada Puntland iyo daandaansiga noocaas ah.

Beelaha sacad ayaa haddii ay nabad buuxda shacabka reer Puntland kula noolaadaan ka sameeya Ganacsi aad u sareeya, waxaana ay noqdaan Hab u dhexeeya Koonfur iyo Waqooyi.