Beeni Raad ma Leh [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

man-hand-holding-burning-match

 

Beeni Raad ma Leh [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

Waxaa la yidhi, Nin baa beri arkay xoon shinni ah oo geed dheer dushiisa malab ku guraysa. Wuxuu go’aan ku gaadhay in uu malabkaas gurto. Qori dab ah, caws iyo masaar buu Ninkii soo qaatay oo geedkii malabku ku jirey la koray, si uu u soo gurto.

”War, maxaad geedka dushiisa ka qabanaysaa?” Mulkiilihii malabka oo geedka ilaashanayay ayaa intuu ninkii Tuugga ahaa ag yimid weyddiiyey.

”War, inaan geedka dushiisa ku layrsadaan rabaa,” buu Tuuggii geedka fuushanaa ku warceliyey.

”Oo maxaad masaarta ku falaysaa?”

”Laamaha sare ee naqa leh ayaan adhiga ugu soo jaranayaa.”

”Cawskana, maxaad ku falaysaa?”

”Waan ku dul fariisanayaa, si maradu ayan iiga wasakhoobinnin.”

”Dabkana, maxaad ku falaysaa?”

”Allaylehe, taas jawaab uma hayo,” ayuu Tuuggii geedka saarnaa yidhi.

’Beeni raad ma leh’, ayay Soomaalidu ku maahmaahdaa.

Axmed Cartan Xaange