Beesha Abgaal Oo Isku Raacday In Ay Wiilashooda Kalasoo Baxaan Alshabaab

Filed under: Important News,Wararka |

no alshabaab no wahaabi

Sida wararku nagu soo gaarayaan Beesha Abgaal ayaa go’aansatay in ay dhallinyaradooda kala baxaan ururka Alshabaab.

-Beesha Abgaal oo lagu tiriyo beelaha ugu dawladnimada jecel, ayaa baryihii u danbeeyay waxaa ka faa-iidaystay kooxo Ganacsato ah oo Wahaabiyadda u baddan, kana soo farcamay maxaakiimtii islaamka.

-Kooxahan ganacsatadaa ee wahaabiyadda ayaa la wareegay ganacsigii koonfurta, waxayna xiriir fiican la leeyihiin ganacsato sacuudiyaan u badan.

-kooxahan ayaan rabin dawlad Soomaaliyeed oo u arka in ay wayn doonnaan nimcada ay hadda haystaan haddii ay meesha dawlad soo gasho, ama haddii ayba dawlad imanayso waa in ay noqotaa dawlad ay kooxaha wahaabiyada garwadeen ka yihiin, si ay hawlahoodii iyo ganacsigoodii halkii uga sii wataan.

-Soomaaliya ayaa la isku raacay in aynan dawlad ka dhallandoonin inta ay kooxaha wahaabiyadda wadanka ganacsigiisa haystaan, waayo ninka ganacsiga wadanka haysta ayaa wadanka xukuma, waxaana la isku raacay in aynan kooxaha wahaabiyadda aynan aqballayn siyaasi aan wahaabi ahayn.

-Si kastaba ha ahaato beesha abgaal ayaa hadda go’aansatay in ay dhanka dawladnimada Soomaaliya usoo jeestaan oo kabaxaan fikradaha urur diimeedyada ku dhisan oo waliba caqabadda ku ah in ay Soomaaliya qaran hesho.

One Response to Beesha Abgaal Oo Isku Raacday In Ay Wiilashooda Kalasoo Baxaan Alshabaab