Beesha Biyamaal oo dareentay wada shaqaynta ka dhaxaysa Alshabaab iyo Madaxda DFS (Akhri Warbixinta)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

indhacade

Magaalada Marka iyo nawaaxigeeduba waxay ahaayeen goob muddo dheer ay dulmi iyo baad ku haysteen Hogaamiye kooxeedkii Muqdisho baadda ku haystay.

Magaalada Marka ayaa 10 kii sano ee u danbeeyay waxaa ku loolamayay gacanku haynteeda Isla kooxihii horey Hogaamiye kooxeedka Muqdisho uga ahaanjiray oo marba shaar cusub soo xiranaya.

Yuusuf Indhacade ayaa Magaalada Marka haysan jiray isagoo Hogaamiye kooxeeda, waxaa carta lagu soo dhisay sanaddii 2000 Xukuumaddii Cabadiqaasin uu Madaxwaynaha ka ahaa iyadoo uu Magaalada Marka uu xoog ku haysto Hogaamiye Kooxeed Indhacade.

Shacabka Marka waxay is yiraahdeen Dawlad Soomaaliyeed baa dhalatay oo maantay idiin tahay, laakiin maadaama ay Cabdiqasim iyo Indhacade qaraabo hoose ahaayeen Cabdiqaasim si aan gabasho lahayn buu u taageeray Xaqdaradii Indhacade.

Sanaddii 2004-tii waxaa hadana loo doortay in uu Madaxwayne ka noqdo Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf, waxayna reer Marka is yiraahdeen waa la gaaray xiligii ay cadaaladdu imanlahayd, laakiin waxaa isla markiiba magaalada Muqdisho looga dhawaaqay dhaqdhaqaaqii Maxaakiimta Islaamka.
Reer marka waxay is yiraahdeen hadduu soo degay Nasrigii illaahay oo hadday cadaalad u dhawdahay, laakiin show waxaynan reer Marka ka warhayn waxaa cimaamado soo xirtay isla Hogaamiye kooxeedkii Muqdisho haystay, oo waxaaba magaaladii soo galay Shiikh Yusuf Indhacade oo markaan Kitaabkii gacanta Midig ku wata.

Hadana Maxaakiimtii Islaamka waxaa ka farcamay Ururka Alshabaab, oo markaan reer Marka waxay is yiraahdeen nimankaan baaba cadaaladda u dhow oo xaqdarada idinka dulqaadaya, laakiin Alshabaab qudhooda waxaa Madax ka ahaa Indhacade oo Alshabaab ka tirsan

Dhanka kalena waxaa dhanka saxaafadda iyana haytay Yusuf Garaad oo BBC-da haysta oo ay Indhcade qaraabo hoose yihiin iyo Yabarow oo isna haysta VOA oo isna taageersan Indhace, sidaasna reer Marka waligood ma aynan helin Saxaafad xuquuqdooda u doodda, waxaana dad badan shaki ka muujinayaan in Dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka Saxaafadda VOA iyo BBC si ula kac ah ugu dhiibeen niman ay Ilma adeer yihiin Hogaamiye kooxeedka Muqdisho xoogga ku haysta si aan Cadaalad darada ay wadaan aan looga sheekayn oo loo kashifin.

2009 Waxaa madaxwayne Soomaaliya ka noqday Hogaamihii Maxaakiimta Islaamka Sheekh Shariif Jug Jug Meeshaada Joog.
2012 waxaa Madaxwayne Soomaaliya ka noqday Xasan Sheekh Maxamuud: waaba ka dar oo dibi dhal.

Waxaana reer Marka ugu cajiibsanaa waxyaalihii ka yaabiyay markii uu Xasan Sheekh Bilad Sharaf Gudoonsiiyay mid kamid ah Kaaba Mooryaanaddii baadda ku haysan jiran magaalada Marka Akhri warbixntaas oo uu Marka News ka qoray 3 sano ka hor

Waxaana magaalada Marka dib markaan ugu soo laabtay Sh Yusuf Indhacade oo markaan ah Generaalka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ka dhigay Xasan Sheekh

2016 waxaa Soomaalidii badankoodii ogaadeen in ay wadashaqn gaamurtay ka dhaxayso Beesha Caalamka, Alshabaab iyo DFS, isla markaana ayba adagtahay in ay Reer Marka hellaan wax cadaalad xitaa u dhaw, maantana magaalada Marka waxaa kala maamula Xaafadaheeda Amisom, Alshabaab, iyo DFS oo dhamaantood ay Shacabka Deegaamka Marka shaki ka muujinayaan wadashaqaynta ka dhexaysa.

Akhri warbixntii u danbaysay uu ka qoray Websaytka MarkaNews

Hagardaamooyinka Isbaheysiyada Cusub Ee Mooryaanta Habargidir Iyo Kooxda Alshabaab (Warbixin)

Afeef.
Sababta aan wararkaan xasaasigaa u daabacayno waa in Qaofkasta oo dariiq aan sax ahayn wax ku doonaya Toosh lagu ifiyo oo loo sheego in dhulkaan illaahay kun jeer nagawada badan yahay hadaan si cadaalad ku jirto u shaqayno, Soomaalida kala bar waxaa ka badan Degmada Hobyo, oo Soomaali dhul yari mahayso ee iimaan xumaa haysa, meel kasta oo nabad iyo cadaalad ka jirto waa dhul Soomaliyeed