Beesha caalamka iyo Soo xulida Madaxwaynaha Qaranka (Maqaal kooban)

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Inkasta oo ay aad u farabadanyihiin caqabadaha horyaal in qaran soomaaliyeed dib loo unko ooba dadka arragtida dheer ay Caqabadda koobaad yiraahdaan waa dhanka dhaqaale yaraanta, aqoon yaraanta.

Hadana waxaan shaki ku jirin in aynan Soomaaliya hellin Hogaan calaa aqali ku habboon xilligaan adag in uu calaa aqali furdaamiyo siyaasadaha cakiran.
best article
Waxaanan shaki kujirin in ay Beesha Caalamka ay soo xushaan Hogaan ay danahooda ka arkaan ee aynan dan Soomaaliyeed ka arkin.

Haddii aad si fiican indhaha ugu eegtid xaaladda Soomaaliya waxaa cad in ay Beesha Caalamku Ruux aynan si dadban u riixayn uunnan madax ka noqonayn Soomaaliya.

Su aasha is waydiinta mudan waa Ruuxa ay Beesha Caalamka Riixayso ma wadaa dan Soomaaliyeed.

Haddii aad Cilmiga Capatilsmka si fiican u akhriso, wuxuu qabaa cilmigaas in marwalba aad dantaada gaarkaa ka hormariso danaha kale, taas oo ka dhigaysa in ay markaas ay Beesha Caalamku danteeda gaarkaa marwalba eeganayso.

Inkastoo caqliga caafimaadka qaba uu dhigayo markii Qaran Soomaaliyeed oo danaha Soomaalida ka shaqeeya la dhiso ayay Beesha Caalamkuna ka faa iidayaan Soomaaliya, hadana Caqligaas Caafimaadka qaba yaa og in maanta Beesha Caalamka uu qorshaha ugu jirro.

Laakiin Soomaalida ayaa looga baahanyahay in aynan seexan ee ay si daacada uga shaqeeyaan sidii ay usoo xulan lahaayeen Hogaan ku habboon ama leh Kartida lagu furdaamin karro arrimaha cakiran ee Soomaaliya

Inkastoo xataa Hogaamiyaha wanaagsan markii uu hogaanka qabto uu noqonayo mid ay dhaqaalihii iyo waxwalba u hayaan Beesha caalamku, kuna khasbanaanaya dhegeysiga amarada Beesha Caalamka, hadana waxaan shaki ku jirin shakhsiga lagu yaqaan Dunta wanaagsan iyo Damqashada Soomaalinimada in uu kala furdaaminkaro Soomaalida iyo Beesha Caalamka waa marka uu leeyahay karti uu ku kasbadao beesha caalamka isagoo fulinaya danaha Soomaalida.

Danaha Soomaalida waxa maanta ugu wayn waa hogaan leh Daacadnimo uu umadda si daacada ugu hogaamiyo isagoo iska illaalinaya eex iyo kooxaysi, isla markaana Dastuurka iyo qawaaniinta ku shaqaynaya, kana shaqaynaya midaynta umadda Soomaaliyeed isagoo waddo cad oo aan laalaab iyo danagooniya wadan u amraya, isagoon marna dulmi u gaysanayn Beesha Caalamka.

Puntlandobserver Desk