Beesha Caalamka Ma U ogashahay Dalalka Sookoraya Nidaam Cadaaladeed Oo Sharcigu Shakhsiga Ka Sareeyo ??(Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Hadaad u fiirsato dhamaan dalalka soo koraya, waxaad mooddaa in aan loo ogalayn nidaam dawladeed oo cadaalad iyo sharci ku shaqeeya oo markaas sharcigu shakhsiga ka sareeyo.

Waxaadse arkaysaa in aan loo diidanayn nidaam dawladeed oo hal ruux gacanta ugu jira, isla markaasna uu qofkaas hoostagaa oo amarka ka qaataa beesha caalamka.

Waxaad kaloo mooddaa haddii ay shacabku taageeraan oo la shaqeeyaan nidaamkaas dawladeed ee halka ruux gacanta ugu jira in aan markaas loo diideen xoogaa horumara aan saas u badnayn.

Laakiin waxaad mooddaa in aynan beesha caalamku ogalayn nidaam dimoqraadiyadeed oo sharcigu shakhsiga ka sareeyo, oo ay shacabku nidaamkooda dawladeed gacanta ku haystaan.

Akhri maqaalkaan.
Beesha Caalamka iyo Golaha Sharci Dajinta (Xildhibaanada)

One Response to Beesha Caalamka Ma U ogashahay Dalalka Sookoraya Nidaam Cadaaladeed Oo Sharcigu Shakhsiga Ka Sareeyo ??(Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Beesha Caalamka Ma U ogashahay Dalalka Sookoraya Nidaam Cadaaladeed Oo Sharcigu Shakhsiga Ka Sareeyo ??(Qormo Gaaban) - Daily Somalia Report