Beesha Caalamka waliba Ingiriiska oo mudo dagaal hoose ku waday Beesha Daarood

Filed under: Important News,Wararka |

Ingiriisku Beesha Daarood wuxuu u qaybshay 4 Qaybood.

Qayb wuxu hoos geeyay Ethiopia
Qaybna wuxuu hoos geeyay Kenya
Hada Ingiriisku isagaa taageerada ugu badan ku siiya Soomaaliland in deegaanada Beesha Daarood ee Hartiga qayb la hoos geeyo Soomaaliland, maleeshiyada Soomaaliland hal bil Laascaanood ma haysteen haddii aynan ku joogin taageerada reer Galbeedka Ingiriiska hoos ka taaageera ee ma ahan Jarmalka iyo Talyaaniga.

Qaybta afraad ee Beesha Daarood wuxuu rabaa in ay Xamar hoos jooggaan iyagoo aan wax awood siyaasadeeda lahayn.

Soomaaliya waxay la dagi la’adahay Beesha Daarood ayaa lala raabbaa in laga dhigo oo la gaarsiiyo booska ay Qawmiyadda Oramadu siyaasadda Ethiopia kaga jirto, laakiin bal Oromo la garay oo waa qowmiyad muslim ah haddii ay markaas Qowmiyadaha Kiristankaa ee Ethiopia hoos geeyaan waaba sabab macquula, laakiin Beesha Daarood waa muslin halka ay beelaha kale ee Soomaalidaa Muslim ka yihiin.

Tusaale fiican waxaa kuu filan Idaacadah Marayka iyo Ingiriiska ee Voice of America iyo BBC Somali labadaba waxaa laga illaashaa wariyaasha Beesha Daarood, xitaa wariyaasha aduunka warka Soomaaliya uga soo gudbiya ayaa Beesha Daarood laga illaashaa.

Halkaan ka akhri qabiilada ay kasoo jeedaan wariyaasha BBC iyo VOA ee afsoomaaliga ku hadla

Xasuuqii 1991 Beesha daarood Muqdsiho lowgu gaystay ayaynan aduunkoo dhan waligood ka hadal oo aynan wax buugaaga ama warbixino ah ka qorin marka laga reebo Proff Lidwein halkaan ka akhri buugeedii CLAN CLEANSING ay ka sheekaysay sida beesha daarood loo xasuuqay

Dhanka kalena Shirkaddii Puntland ka baarayay shidaalka, markii la ogaaday cadada shidaal ee Badda iyo bariga Puntland ee shidaal ku jira ayaa dawladaan federaalka lagu yagleelay Ingiriiska waxaana madaxwayne looga dhiagy xasan sheekh oo markii uu madaxwayne noqday billabay dagaal aan gabasha lahayn oo ka dhan ah Beesha Daarood, waxaana shirkadihii deegaanada daaroodka shidaalka ka baarayay loo weeciyay dhanka Soomaaliland, qaybta kalena waxaa la hoos geeyay xamar, waxaana la doonayaa in la sameeyo sharciga khayraad qaybsiga ee DfS iyo Maamul Gobaleedyada waxaana la rabaa in maamul Gobaleedyada la siiyo 7%.

waxaa kaloo xigtay Shirar uu dullaal ka yahay Turkigu ogow Turkigu hadda waa dulaal Ingiriiska u shaqeeya oo Xamar Ingiriiska waxaa u joogga Turkiga.
Dhanka kalena Ingiriiska iyo Turkigu waxay wada leeyihiin Shirkaddii Soomaaliland batroolka ka baaraysay ee Genel Energy halkaan ka akhri

Nicholas-Key nin wanaagsan buu ahaa laakiin ninka badalay markii uu soo dagay wuxuu u ekaa nin askariya oo calaamad su’aal baa saaran.

Beesha Daarood waa beesha kaliya ee Caasimadda Soomaaliya sida xun lowgu xasuuqay illaa hadana waa reerka kaliya ee laga barakicyay Muqdisho, macaa beesha Isaaq Muqdusho waxaa guryahoodii ku nool dhowr boqol oo kun, beesha Raxanwayn suuqa Bakaaraha kala Bar iyagaa leh.

Wali Soomaali ma aynan heshiin, sidaa la ajligeed Beesha Daarood in ay yeesho ma ahan Caasimad aynan hal guri ku lahayn oo aynan wax awooda ku lahayn oo waliba xitaa alshabaabku xildhibaanada ay xasuuqaan ay daaroodka u badan yihiin, hadana la yiraahdo DFS oo cadow ku ah Beesha Daarood baa muqdisho Caasimad looga dhigayaa, Baarlamaankana 270 ahna waxaad ku yeelanaysaan dhowr marka horeba ay Beesha Caalamka u iibisay siyaasiin ay wataan Beesha Caalamku

Beesha Daarood ayaan waligeed ku duulin ama weerarin dhul ay beelo kale oo Soomaaliya leeyihiin, sidoo kale Beesha Daarood waligeed wax dhiba uma gaysan reer Galbeed iyo dalalka dariska toona, hadana waxaad mooddaa in burburka Soomaaliya la burburinayo ay ugu wayntahay dagaal dahsoon oo ku socda beesha daarood.

Shirkadaha Shidaalka ee reer Galbeedka oo doonaya Batroolka Puntland(Beesha Daarood) in ay ku boobaan iyagoo soo maraya Beelaha Isaaq iyo Hawiye (Hargaysa iyo Xamar)

One Response to Beesha Caalamka waliba Ingiriiska oo mudo dagaal hoose ku waday Beesha Daarood

  1. Pingback: Mar labaad Akhri:Beesha Caalamka waliba Ingiriiska oo mudo dagaal hoose ku waday Beesha Daarood | Puntland Observer