Beesha Caalamku Door wanaagsan ma ka qaadan kartaa Nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya

Filed under: Wararka |

Beesha Caalamka dabcan Doorwayn oo ZACIIM AH ayay ka ciyaari karaan Nabad kusoo dabaallidda Soomaaliya, Laakiin in ay Soomaaliya Dawlad Cagaheeda isku taagtaa ka islaaxdo waxay ku xirantahay Shacabka Soomaalida rabitoonkooda.

Sida Xaqiiqdaa maanta dhibka ugu ballaaran waxaa uu ka jiraa Shacabkii Soomaalida, laakiin Beesha Caalamku waa taageeri karaan haddii ay Shacabka Soomaalidu si niyad ah uga soo go’do in ay Dalkooda hagaajistaan.

Waa ayo Beesha Caalamku

Beesha Caalamku waa 8-da Billion ee dunida ku nool, waana cid walbaale, qaar niyad wanaagsan oo ay ka go’antahay in maanta dunida Bini aadamku ay si wanaagsan ugu wada noolaadaan, oo la dhowro Xuquuqda aadaanaha iyo Deegaanka.

Qaar kale oo Beesha Caalamka ah, waxay ku nool yihiin dhiigga umadda, waxayna ka bayacmushtaraan xumaanta, waxay si hoose iyo si dadban u taageen qas wadayaasha, Arrgagixisada, waxay ka bayac mushtaraan Hubka, si ay Hubkooda u suuq ugu helaan waxay abuuraan oo malaayiin doolar ku maal galiyaan sidii ay dagaallo dunida dacaladeeda uga abuuri lahaayeen.

Hadaba waxaa wanaagsan in ay Soomaalidu iska illoobaan ku mashquulka Beesha Caalamka, mar haddii ay Beesha caalamka ka buuxaan Dad aad u wanaagsan oo intaas wanaagga ka shaqeeya, iyo qaar aad Khatar u ah, oo ku takhakhusay sida Xumaanta looga shaqeeyo.

Hal wadan baa waxaa ka buuxa Muwaadiniin wadankaas ka dhashay oo wanaagga aduunka aad uga shaqeeya, halka isla wadankii ay ka dhasheen muwaadiniin xumaanta ka bayac mushtara.

Waxaa laga yaabaa labadaas muwaadin oo hal diyaarad wada saaran in ay Soomaaliya kawada dagaan oo midba dan leeyahay, Marka Shacabka Soomaalida ayaa looga baahanyahay in ay la shaqaystaan Muwaadinka wanaag ka talliskaa siwanaagsan u soo dhawaystaan oo ula shaqaystaan, Ul dheerna isaga qabtaan midka Xumaanta iyo Qaska taageera.
speakjusticeSiayabaha ay Beesha Caalamku doorka shariifkaa uga ciyaarikaan nabad kusoo dabbaalidda Soomaaliya waa iyadoo Cunaqabatayn lagu soo roggo siyaasigii ama ganacsadihii lagusoo caddeeyo in uu xumaan iyo qas lagu curyaaminayo shacabka Soomaaliyeed uu faraha kula hiro, maadaama soomaalidii aynan maanta lahayn awood ay xitaa ku kala saaraan qas wadaha iyo samawadaha.

XALKA SOOMAALIDA WAA IYADOO AAN DHANNA LOOGA LEEXAN DASTUURKA, CIDDII DASTUURKA JABISA QOADABADIISA IN LA ISKA WADA CESHO OO MARKAAS QABYAALADA DIB LOO DHIGTO.

WAXAA AY CID WALBA XASUUSATAA SIDII SHACABKA PUNTLAND AY UGA DIIDEEN MARKII FAROOLE UU DAMCAY IN UU DASTUURKA BAAL MARO, WAXAANA UGU WAYNAA DADKII MUCAARADAY BEESHA UU FAROOLE KA DHASHAY EE HOOSE EE CIISA MAXAMUUD, OO MARKAAS GARAWSADAY IN AY DANTA GUUD KA WANAAGSAN TAHAY DAN GAAR AHAANEED OO XAQDARO LAGU TAAGEERO.

WALAALKAA WAXAA LOO HIILIYAA MARKA LAGA GARDARANYAHAY, LAAKIIN MARKA LAGA GARLEEYAHAY WAA DANBI IN AAD GARDARO UGU HIILISID.

.

PUNTOLANDOBSERVER DESK