Beesha reer Nimcaale/sacad oo ka diiday in dagaalka Gaalkacyo laga huriyo kooxaha Damjadiid

Filed under: Important News,Wararka |

Beeluhu Gaalkacyo waa degaan hadana jifida reer Nimcaale/Sacad waa jifida laga billaabo illaa Gaalkacyo illaa Xeebta Xuduudda la leh Jifidda Reer Mahad iyo Cabdicise ee Cumar Maxamuud.

Warar si hoose noo soo gaaray ayaa sheegaya in ay Reer Nimcaale diideen Fidnada ay la wareegayaan kooxaha Damjadiid oo ay ka go’antahay in ay dagaal ka huriyaan Gaalkacyo.

Haddii magaalada Gaalkacyo colaad laga huriyo yay dadkoodu barakacayaan oo umahadaha kale ka harayaan, dabcan waa beelaha aaggaas degga oo si fiican u yaqaan waxa ay colaad aan micno soo kordhinayn dhasho.

Hadaba warar hoose ayaa sheegaya in odayaasha reer Nimcaale/Sacad ay diideen dagaalka ay wadaan Damjadiid iyo beelaha aan Gaalkacyo degin ee Habargidir.

dad badan baa layaaban sababta dagaal looga dhigayo wado yar oo 80 mitir ah iyo waxa laga helayo in hadda shacabka intaa le’eg labarakiciyo