Beesha Tanade Iyo 66-ka Xildhibaan ee Puntland (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Aduunka aynu ku noolnahay Xildhibaan waa wakiil matala bulsho deegaan ku nool, waxaana marka hore la xisaabiyaa imisa ruux ayuu wakiil ka noqonayaa xildhibaan kasta, tusaale 66-da xildhibaan ee Puntland si loo helo inta qof ee uu xildhibaan kasta ee Puntland uu wakiil ka yahay waa in marka hore la tirakoobo shacabka Puntland ku nool markaas kadib loo qaybsho 66-dii xildhibaan  Halkaan ka eeg qormo si fiican u faahfaahinaysa arrinkaas.

Tusaale haddii shacabka Puntland uu yahay 4 million oo ruux oo loo qaybsho 66-xildhibaab 4000000/66=60,000. markaas calaa xildhibaan waxaa ku soo aadaya 60 kun oo ruux, markaas waa in  meeshii ay 60 kun oo ruux ku noolyihiin hal xildhibaan loo qoondeeyo.

Waxaana muhiima in aan loo eegin qabiil dadka uu xildhbaanku matalo, balse bulshada iyo xildhibaanku ay ku midaysanyihiin in deegaankaas la horumariyo oo ay bulshadu xushaan xildhbaan deegaanka ka warhaya, oo kaliya ka shaqeeya horumarinta deegaanka.

Isku soo duub waxaan aaminsanahay in markii 66-da xildhibaan ee Puntland la qaybsanayay ay isimda beesha tanada kamid ahaayeen dadkii go’aamiyay hanaankii lagu qayshay 66-da xildhibaan.

Waxaase arrin lagu xumaado ah in aan 18-kii sano ee ay Puntland jirtay madaxdii xukunka intaas soo haysay aynan samayn xitaa shaqadaas fudud ee ah in la qeexo inta ruux ee xildhibaan kasta uu matalo.

Waa arrin aan la qaadan karrin in 18-sano kadib ay beelihii maanta ku murmayaan beel hebel baa dulman iyo beel hebel baa dulman iyadoo aan ka warhayno in aan wali wax tirakooba lagu guulaysan.

Waxaanad mooddaa in qorshahaan beelaha lagu marin habaabinayo ay gadaal siyaasiin ka fadhiyaan.

 

Shirkii Tabashada Beesha Tanade Daarood oo Qodobo Hordhac ah laga soo Saaray (dhegayso)

 

 

 

Dhegeyso constituency ama Gole Deegaan Siyaasadeed Waa Aasaaska Hirgallinta Nidaam Siyaasadeed Soomaaliya By Ibrahim Gablax

66 Xildhibaan ee Puntland iyo Beelaha ay kasoo jeedaan ama shaxda Beelaha 66 xildhibaan (Akhri oo ka faaiidayso