Bidaarlaha iyo Duulduulaha [Sheekaxayawaannada AESOP]

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

the-bald-man-and-the-fly

Bidaarlaha iyo Duulduulaha [Sheekaxayawaannada AESOP]

Nin Bidaarle ahaa oo kolkaas shaqo ka soo rawaxay, maalin cadceeddu kululeed xagaana ahayd, ayaa kob hadh leh fadhiistey si uu u nasto. Duulduule ayaa u yimid oo dhakada bidaaartiisa ku dul xiimey oo hadba qaniinyo ku dhufdhuftay. Ninkii wuxuu u tabaabusheeystey in bahalkaa yarka ah u gacanqaado oo kaw uu kaga siiyo. Hayeeshee, baabbacadiisa nabarkay Duulduulaha la damacsanayd wuxuu yaqiinsaday in madaxiisa ay haleeshey.

Mar kale ayuu Duulduulihii soo laabtay oo Ninkii Bidaarlaha ahaa silciyey, kolkanse Bidaarle sidii hore wuu ka fiiradheeraa oo wuxuu yidhi:

Naftaada ayaad dhaawici doontaa haddaad

cadowgaaga xaqiirka ah u sii dhugmo yeelato

 

AESOP

One Response to Bidaarlaha iyo Duulduulaha [Sheekaxayawaannada AESOP]