Boqolaal Kun Oo Laaluusha Oo Lagu Kala Qaatay Doorashadii Aqalka Sare ee Puntland (Xog Hoose)

Filed under: Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

corruption
P/O ayaa akhristayaasheeda la qaybsan doonta xog xaqiiqa oo si hoose aan u helnay laaluushkii iyo musuqmaasuqii abid ugu baaxadda waynaa ee hareeyay doorashadii aqalka sare ee Puntland.

Waxaa magaalada Garoowe shacabka ku nool intiisa badan wada ogyihiin musuqmaasuqii aqalka sare.
Waxaana ugu baaxad wayn Musharax kamida Musharaxiintii aqalka sare in ay qayb kamida xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay ka qaateen 300 oo kun oo doolar, oo waliba musharaxaas uu lacagtaas isagu lahaa oo uu shaqaystay, kadibna musharaxii isaga la tartamayay ay hadana ka qaateen isla xildhibaanadaas 400 oo kun oo doolar, kadiban uu ku guulaystau musharixii dhiibay 400 oo kun oo doolar.

Hadda waxaa Hotel rugsan Garoowe degan musharixii laga dhacay 300 oo kun oo doolar, arrinkaas oo ay dhamaan shacabka Hoteel Rugsan garoowe degan ka warhayaan oo aan ahayn wax qarsoon iyo waliba shacabka magaalada Garoowe xitaa caruurta iyo haweenka, kaaga sii daran uu Musharaxu sheegay xildhibaankasta magaciisa iyo lacagta uu ka qaatay maadaama uu carooday markii laga badiyay isagoo waxaas oo laaluusha laga qaatay.

Xildhibaanada dhacay musharaxaan ayaa kasoo jeeda badankoodu Gobalka Sool, waxaana uu musharaxaan illaa shalay samaynayay codsi ku aadan in ay lacagtiisii u soo ceshaan.

Musharax la tartamayey ayaa la sheegayaa in ay kooxaha Damjadiid ka dhiibeen lacagta uu kula tartamay– warkaas aad uma hubno

Dhanka kale Musharixiintii ku guulaystay aqalka sare ee Puntland ayaa 80% waxaa lacagta ka dhiibay kaadiriinta Damjadiid iyo Ganacsato reer Muqdisho ah oo u doonaya in ay mustaqbalka ay xildhibaanadaan u codeeyaan musharaxa ay wataan, laakiin waxaa la sheegay in ay Damjadood kharashka ugu badan dhiibteen oo u iibsheen musharaxiintii ay wateen.

Dib baan xogta dhabtaa ee musuqmaasuqii iyo fadeexaddii dhacday idinka qaybsan doonaa.
Kursiga kaliya ee aan la musuqmaasuqin wuxuu ahaa kursiga Faroole oo laga baqay loona codeeyay bilaa musuqmaasuq, faroole ayaa la sheegayaa in aannu wax laaluusha dhiibin oo laga baqay, xildhibaanada iyo madaxda Puntland ay ka baqeen sidaas isaga maslaxeen

arrimahaan oo dhan ayaad markaad ka warheshid ayaad ka quusanaysii dalkii iyo dadkii Soomaali la oranjiray