Caasimadda Soomaaliya Waa In Muqdisho Laga Raraa (Cadayn)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

-Muqdisho waxay nasiib u yeelatay in ay noqoto Caasimaddii Soomaaliya oo ay hantiday wixii canshuur Soomaaliya laga uruuriyay in Xamar lageeyay, wixii aduunka mucaawino laga helay in Xamar la geeyay, wixii dibadda laga soo shaqaystay in Xamar la geeyay, wixii wadanka gudihiisa joogay hantidoodii 80% in Xamar la geeyay, iyo wixii xoog iyo caqli Soomaali lahayd in Xamar la geeyay.

-1991 waxaas oo hantaya waa la bililiqaystay, maantana waxaa laga doodayaa maqaamka Muqdsiho.

-Aan iswaydiinnee Maqaamka Muqdisho yaa ka qaaday, xaggee buu yaallaa, xaggeese laga raadinahayaa.

-Jawaabtu waxa weeye kuwii billiliqaystay baa raba in ay xaqiiqda dhabtaa dadka ka duwaan oo ay haystaan hantidii Qaranka Soomaaliyeed.

-Dawladdii dhalatana in buuq lagu furo, oo aynan dayniile iyo Jaziira soo dhaafin, si Xamar lawgu cuno wixii lagu soo hello magaca Qaranka Soomaaliyeed, waxaana la rabaa in halkaas wixii lagu bislaysan karo lagu bislaysto qaranimadii Soomaaliyeedna halkaas qafaal waligeed lowgu haysto.

-Caasimadda Soomaaliya meeshay noqonlahayd waa in si degdega looga wada hadlo, wax kasoo baxaya Xamar oo laga sugahayo ma jirraan, xamar ninkii wax kasugayow quuso.

-Sharka kasoo socda Xamar oo Daacishtaa, ee dalka la rabo in lagu faafiyo in laga gaashaanto, waxaana daacish hadda laga soo abaabulayaa Villa Soomaaliya..

Xalka.

-Caasimadda Soomaaliya ma ahan meel cidi gooni u leedahay ee waa in Soomaali marlabaad wada tashi isugu timaaddo, illaahow maa laga dhigo meel Xamar 30 km u jirta.

-Ama Dawladdu si ku meel gaara meel kale ugu shaqayso, inta Xamar nabad noqonayso oo dadka hantidiisa loo celinahayo, oo markaas haddii dawladdu hagaajiso Xamar iyo nabadgalyadeeda iyo cadaaladeeda markaas dib lowgu soo noqdo haddii la isku raaco.

-Xamar waxay noqotay xarunta laga burburiyo Qaranka Soomaaliyeed, waxaa saldhig ka dhigtay dhammaan kuwa ka shaqeeya burburinta qaranka Soomaaliyeed

Qore Warsame Axmed

 

Cadayn Muqdisho Ma Noqon karto Caasimadda Soomaaliya Haddii Qaran Soomaaliyeed la Doonayo (Qaybta 1aad)

3 Responses to Caasimadda Soomaaliya Waa In Muqdisho Laga Raraa (Cadayn)